Daawo Sawirada TM-kii ku Qarxay isgoyska Zoobe 14 October

Wararka Maanta

Warbaahinta gudaha ayaa heshay muuqaalka kaamirada qarsoon duubtay oo muujinaya gaarigii TMka ahaa ee ku qarxay isgoyska Zoobe 14 October 2017.

Muuqaalka ayaa muujinaya gaariga oo xawli ku socda ka hor inta uusan qarxin ilbiriqsiyo ka hor. Qaraxii Zoobe ayaa waxaa ku naf waayey inka badan 400 ruux, iyo dhaawaca intaa ka badan. Wuxuuna ahaa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee dalka ka dhaca.