Burcad-badeed Sii daayey 22 Badmaax kana Qaadatay 2.2 Milyan oo Madax furasho ah

Wararka Galmudug Wararka Maanta

571f7173a0ddf82b7ee63aa97

Shabakada Ceelhuur Online ayaa goordhow heshay Xog ah in koox burcadbadeed Soomaali ah ay sii dayeen 22 badmaax oo isugu jiray 13 Badmaax oo u dhashay dalka China, halka 9 kalena u dhasheen dalka Taiwan, waxaa ayna ka qaateen lacag gaaraysa 2.2 Milyan dollar  Maraykanka ( Laba Milyan iyo laba boqol oo kun).

Diyaarad yar ayaa maanta lacagta geysay deegaanka bitaale oo qiyaastii 50km bari kaga beegan magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug, waxaana kooxda burcadda ahi la haystayaashii ku wareejiyeen dhax-dhaxaadiyaal u kala dab qaadayey labada dhinac.

Dableyda hubeysan ayaa 26 badmaaxayaal 4 sano ka hor kala soo dagay markab ay ku heysteen xeebta deegaanka Galhagoog ee gobolka Mudug , waxaana intii ay heysteen ay dileen kabtankii, iyadoo 3 kalena ay u dhinteen xanuuno ku dhacay.

Badmaaxayaasha ayaa la filayaa in la geeyo Magaalada Galkacyo, waxaana halkaas ka qaadi doonta diyaarad gaar ah, si ehelooda ula midoobaan.

wixii ka soo kordha kala soco www.ceelhuur.com ama www.ceelhuur.net

Tagged

Comments are closed.