Wararka ka imanaya deegaanka Qalimow oo qiyaastii 30km dhinaca Koofur ugaga beegan magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dhowaaqa jug culus laga maqlay duleedka Qalimow.
Dhowaaq culus ayaa la sheegay in la maqlay deegaanka Qalimow waxyar kadib markii ay halkaas ay ka baxeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo maqribtii xalay gudaha u galay deegaankaas.
Hase yeeshee majiro warar xaqiijinaya in ay duqeyntan ay waxyeelo gaarsiiyeen gaadiid ay wateen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo qiyaastii 8dii fiidnimo xalay isaga baxay deegaanka Qalimow kadib markii ay muddo labo saacadood ah ku sugnaayeen.
Dad ku sugan deegaanka Qalimow ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay shacabka deegaanka Qalimow ay kula tukadeen masaajidka ugu weyn deegaankaas ayna kala hadleen inaysan wax xiriir ah la yeelan ciidamada dowlada iyo maamulka Hirshabelle.
Qaar ka mid ah ciidamada ammaanka gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in duqeyntan lala beegsaday dagaalyahanadii ka baxay deegaanka Qalimow balse aan la ogeyn qasaaraha soo gaaray.
Dhowr jeer ayay hore ururka Al-Shabaab gudaha u galeen deegaanka Qalimow oo ah deegaan ku yaal wadada laamiga ah ayna saldhig ku leeyihiin meel u jirta 5km ciidamada nabad ilaalint AMISOM.