Wararkii ugu dambeeyey ee Khilaafka Siyaasadeed Galmudug.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdi isugu jira Labada Aqal  Ee Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto Galmudug ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado oo Xarun  KMG u ah Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa,waxaana Magaalada Cadaado ay u tageen in ay Xaliyaan Khilaafka ka taagan Magaalada Cadaado ee ka dhashay Go’aankii Baarlamaanka Galmudug ay gaareen.

Wafdiga ayaa shirar aan kala joogsi laheyn la qaadanaya qeybaha Bulshada Cadaado, xildhibaanda Galmudug iyo Masuulliyiin kale, waxaana la filayaa in maalinta beri ah ay kulamadu sii socdaan, ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in xildhibaanada qaar ay diideen waanwaanta ay wadaan xildhibaanada federaalka,Magaalada Cadaado ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal kooban, kaas oo ay ku nafwaayeen laba askari, halka saddex kale ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana suurtagal ah inuu ku biiro wada xaajoodka Cadaado ka socda, Guuleed ayaa intii uu Xamar joogay la kulmay beesha caalamka iyo Masuuliyiinta dowladda federaalka, waxa uuna ka dalbaday in ay arinta khilaafka siyaasadeed ay soo dhex galaan xildhbaanada laga soo doorto Galmudug.

Beesha Caalamka ayaanan mowqof cad ka qaadan arinta khilaafka siyaasadeed Galmudug, waxa ayna odorasayaan sida xaalku ku dambeeyo, halka Madaxda dowladda federaalka ayaa taageero la garab joogsaday Madaxweyne Guuleed.

Dhanka kale 7 Musharax u sharaxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya kana soo jeeda Galmudug ayaa baaq ay soo saareen ka muuqatay in xildhibaanada Galmudug ku taageereen xilka qaadista C/kariin Guuleed.

Sidoo Gudiga ay xildhibaanada Galmudug u magaacabeen doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in maanta 18 Janaayo ay bilaabatay qabashada araajida Musharixiinta, ayna ku eg tahay ilaa 31 bishaan.