Banaanbaxyo waaweyn oo maanta ka dhacaya dalka

Wararka Maanta

Banaanbaxyo waaweyn oo looga diidan yahay xasuuqii  14ka bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ayaa la filayaa inuu ka dhaco magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Beledweyn, iyadoo loogu duceynayo dadkii ku dhintay musiibadaas.

Taabid Cabdi MaxamedGuddoomiyaha Gobolka Banaadir  ayaa shalay ku dhawaaqay banaan bax weyn oo ka dhici doona Garoonka kubadda cagta ee Koonis Stadium, iyadoo socod ay dadka ku mari doonaan waddooyinka.

Mr Taabid ayaa sheegay in banaan baxan uu ujeedkiisa yahay in laga dhiidhiyo gumaadkii shacabka loo geystay, isla markaana ay meel uga soo wada jeesan doonaan cadawga.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa iyana dadka reer Beledweyn ugu baaqay inay isugu soo baxaan dibad bax ballaaran oo looga soo horjeedo ficilkaas.

Sidoo kale Maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabanaya dibad bax ballaaran oo looga soo horjeedo xasuuqii dadka faraha badnaa loogu geystay Muqdisho.

Maalintii shalay ayay aheyd markii banaan bax ballaaran uu ka dhacay magaalada Kismaayo, kaasoo looga soo horjeeday qaraxii Zoobe, waxaana dadkii isugu soo baxay ay u duceeyeen in Alle naxariistiisa janno uu siiyo dadkii ku dhintay qaraxaas.