C/rishiid janan oo beled xaawo lagu soodhaweeyay

Wararka Maanta

Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa goor dhow gaaray degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Sida wararku sheegayaan C/rashiid Janan ayaa ka yimid dhanka magaalada Nairobi oo maalmihii la soo dhaafay uu ku sugnaa.

Wararka ayaa sheegaya in C/rashiid Janan ay ku soo dhoweeyeen magaalada Mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan bulshada, sidoo kale Ciidamada Jubbaland Qeybta Gedo ayaa qeyb ka ahaa soo dhoweyntiisa.

C/rashiid Janan ayaa todobaadkii hore ka soo baxsaday dowladda Federaalka Soomaaliya oo muddo shan bil u xirnaa, waxaana jimcihii la soo dhaafay uu doon ku tagay Kismaayo.

Mr Janan ayaa awood badan ku leh deegaanada Luuq, Doolow iyo Beledxaawo, isagoo ahaa ninka maamulayay deegaanadaas ciidan ahaan ay hoos-tagi jireen.

Tagitaanka C/rashiid Janan ee Beledxaawo ayaa ku soo aadaya, xilli dowladda Federaalka ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wado Gobolka Gedo, kaasoo ujeedkiisa yahay inay kula wareegto gacan ku heynta magaalooyinka Beledxaawo, Luuq iyo Doolow, si ay uga goysay Maamulka Axmed Madoobe.