Jubbaland oo Digniin u dirtay Dadka Wada Kicinta Dadweynaha (Akhriso)

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Maamulka Jubbaland ayaa soo saaray Warsaxaafadeed loogu digayo dadka wada kicinta dadweynaha iyo qal-qalinta amniga ee Jubbaland ee ku sugan deegaanada maamulkaas uu ka taliyo. War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in xeer-ilaalinta dowlad-goboleedka Jubbaland ay tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ku lug yeelata kana qayb-qaadata kicinta bulshada iyo falal […]

Continue Reading

Col. Koofi oo Norway kula kulmay dhigiisa dalkaasi (Sawirro)

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Col. Maxamed Aadam Jimcaale (Koofi) oo ay wehlinayaan ku xigeenka Agaasimaha guud, Cabdullahi Xaaji Bashiir, la taliyaha sare iyo Saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulan la qaatey hay’adda socdaalka Dalka Norway. Agaasimaha Guud iyo wafdigiisa oo ka qeyb […]

Continue Reading

DFS & Yurub oo kala saxiixday Mashruuc ay ku baxayso 42 Million.

Dowladda Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa munaasabad uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliaya oo Muqdisho lagu qabtay waxa ay maanta si wadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo Yuuro. Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Amb. […]

Continue Reading

4 Qof oo Reer Koofur Galbeed ah oo lagu dilay duleedka Dhuusamareeb

Duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa xalay lagu dilay 4 ruux oo ka soojeeda Koofur Galbeed. Falka lagu dilay dadkaas ayaa xalay waxaa uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Dhiin-waris oo 12 KM Magaalada Dhuusamareeb,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan. Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Afarta ruux […]

Continue Reading

RW Kheyre oo Dhagaxdhigay dhismaha Warshadda Dharka Ciidamada

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax dhigay dhismaha xarunta warshad soo saareysa dharka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Warshadda oo soo saaraysa dharka ciidanka oo leh tixraac fududaynaya in askari kasta ee Soomaaliyeed uu helo labis u gaar ah, ayaa meesha ka saaraysa dharkii ciidanka ee […]

Continue Reading

Agaasimihii Hab Maamuuska MD Farmaajo oo ka baxsaday dalka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Agaasimihii Hab maamuuska Madaxweynaha Saciid Maxamed Warsame (Saciid Kampala) uu u baxsaday dalka Turkiga, kaddib markii Maxkamad looga yeeray. Saciid Kampala ayaa ku lug yeeshay Kiis ku saabsan dacwad guri oo dhowaan ka dhacday degmada Xamar Weyne, taasoo ka dambeysay markii go’aan Maxkamadeed loogu xukmiyay dad gurigooda lagu qabsaday. […]

Continue Reading

Ciidamada Puntland oo dib u qabsaday Af-Urur

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa maanta dib ula wareegay tuulada Af-urur ee gobolka Bari oo saddexdii cisho ee la soo dhaafay ay gacan ku hayeen dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab. Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa tuulada Af-urur qabsaday ayada oo wax dagaal ah uusan ka dhicin, sida warbaahinta u xaqiijyeen xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland oo […]

Continue Reading