Jubbaland oo Digniin u dirtay Dadka Wada Kicinta Dadweynaha (Akhriso)

Wararka Maanta

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Maamulka Jubbaland ayaa soo saaray Warsaxaafadeed loogu digayo dadka wada kicinta dadweynaha iyo qal-qalinta amniga ee Jubbaland ee ku sugan deegaanada maamulkaas uu ka taliyo.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in xeer-ilaalinta dowlad-goboleedka Jubbaland ay tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ku lug yeelata kana qayb-qaadata kicinta bulshada iyo falal lidi ku ah amniga.

Xeer-ilaaliyaha ayaa faray laamaha amniga dalka inay gacan-bir ah ku qabtaan cid walba oo ka qaybgalaysa kicinta bulshada, isla markaana ay hor-keenaan sharciga si looga abaal-mariyo dambiyada uu dambiilahaas ku kacay.