Paco Alcacer Oo Ku Kalsoon In Uu Heli Doono Gool Dhalintiisa

Weeraryahanka Barcelona Paco Alcacer ayaa sheegtay in uu heli doono foomkiisa gooldhalinta naadiga Barcelona. 23-sano jirkaan ayaa ku biiray kooxda reer Catalan isagoo kasoo dhaqaaqayValencia lacag lagu sheegay £ 25m, laakiin waxa uu ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabtay afartii kulan ee ugu horeysay. Iyadoo ay jirto halista weerar ee kaga imaanaysa Luis Suarez, Lionel Messi […]

Continue Reading

Akhriso: Guuleed oo Magacaabay Guddi soo baara Duqeyntii Bariga Galkacyo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1 October 2016 wareegto ku magacaabay guddi baaritaan ku sameeya duqeyntii Maraykanku ku dilay Askar ka tirsan ciidamada Galmudug duleedka Galkacyo. Gudigan ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka Amniga Cismaan Nuur Taar dhuleed, waxaana ku jira Wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha Cumar Guureeye, […]

Continue Reading

SAWIRO:Imaaraadka Carabta oo heshiis qarsoon la gashay Soomaaliya (Warbixin)

Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu dhabi, ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay September 25, waxa uu ku sheegay in dalkiisu heshiis la galay dalalka Soomaaliya iyo Masar, kadib wadahadal ay la sameeyeen dowladda Mareykanka si looga dhiso Magaalada Berbera ee waqooyi galbeed […]

Continue Reading

Danjire Afey oo loo magacaabay Ergeyga Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga Soomaaliya

Qaramada Midoobey ayaa markii u horeysay Ergey gaar ah u magacawday Arrimaha Qaxootiga Soomaaliya, si loo hubiyo ammaanka qaxootiga, xilli kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen dowladda Kenya inay dooneyso in si qasab ah ku xirto xerada qaxootiga ugu weyn Caalamka ee Dadaab. Danjire Maxamed Cabdi Afey oo hada haya xilka Wakiilka Urur Goboleedka IGAD […]

Continue Reading

Saldhiga Milateri ee Turkiga ka dhisanayo Soomaaliya oo gabo-gabo maraya

Dowladda Turkiga ayaa soo gaba gabeysay qalabeynta saldhig milateri ay ku yeelanayaan Soomaaliya, gaar ahaan duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo saldhigan uu noqonayo kii u horeeyay ee Qaaradda Afrikaa ku yeeshaan. Saldhiggan ayaa marti-gellin doona saraakiil Turki ah oo sida la sheegay dhanka tababarrada ka caawinaya ciidammada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab. Sida […]

Continue Reading

SAWIRO:Dhaawacyada askartii Galmudug ee duqeyntii mareykanka oo muqdisho loo qaaday

maamulka galmudug ayaa maanta caafimaad ahaan ugu qaaday magaalada muqdisho askartii diyaradaha mareykanka ku duqeeyeen deegaanka jeexdin ee bariga magaalada galkacyo. askartani laqaaday ayaa ahaa kuwo dhaawacyo kala duwan qaba waxaana maanta diyaarad lagasaaray magaalada galkacyo ee xarunta gobolka mudug. qaadista askartani ayaa timid kadib markii maanta magaalada galkacyo uu kadegay madaxweyniihii  maamulkii hore ee […]

Continue Reading

DHAGEYSO: Guddi loo saaray Baaritaanka Duqeyntii Gaalkacyo ee Galmudug

Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shalay kulankooda Khamiislaha ahaa Magaalada Muqdisho ku yeeshay ayaa Guddi Wasiiro ah u saaray, si baaritaano dhab ah ay ugu soo sameeyaan Duqeyntii Diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen Bariga Gobolka Mudug. Afhayeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/casiis Xaaji Cabdi (Goobdoon) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Guddigan Wasiirada ah […]

Continue Reading

DHAGEYSO: R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali sheekh oo ka hadlay Howlgalka AMISOM

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee jooga Soomaaliya ay ku guul dareysteen Sugidda Amniga iyo Nabad ku soo daabulida Soomaaliya. C/wali Sheekh Axmed Maxamed Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka AMISOM Soomaaliya ay ku sugan yihiin mudo ka […]

Continue Reading

Biyo yari soo wajahday shacabka ku nool degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe

Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ay ka jirto biyo yari kadib markii ay cillad gashay qalabka lagu soo saaro biyaha ee ceelka ugu weyn ee degmada Balcad. Biyo yaridan ayaa waxaa ay saameysay inta badan dadka ku nool xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Balcad oo isticmaali jirey ceelka […]

Continue Reading