maamulka galmudug ayaa maanta caafimaad ahaan ugu qaaday magaalada muqdisho askartii diyaradaha mareykanka ku duqeeyeen deegaanka jeexdin ee bariga magaalada galkacyo.
askartani laqaaday ayaa ahaa kuwo dhaawacyo kala duwan qaba waxaana maanta diyaarad lagasaaray magaalada galkacyo ee xarunta gobolka mudug.
qaadista askartani ayaa timid kadib markii maanta magaalada galkacyo uu kadegay madaxweyniihii maamulkii hore ee Galmudug Gen.cabdi xasan cawaale qeybdiid.
waxaana dhaawaca askartani hada ladhigay isbitaalada waaweyn ee magaalada mudisho.
kadib duqeyntii diyaaradaha mareykanka ay kafuliyeen deegaanka jeexdin ee bariga magaalada galkacyo ayaa waxaa isi sootarayay banaan baxyo aan hakad leheyn oo kadhaca caasimaddaha Dowlad goboleedka galmudug waxaana maanta oo udanbeysay banaan bax yadaani ay kadheceen magaalooyinka cadaado iyo baxdo
sikastaba ha ahaatee Dowlada mareykanka ayaa ku adkeysaneysa in diyaaradeheedu ay duqeeyeen ciidamo katirsan Xarakada Alshabaab balse sida ay sheegeen ay baarayaan eedeynta maamulka Galmudug.
Comments are closed.