428,000 oo laga lunsaday Qasnadda Galmudug

Warqad 18/12/2019 kasoo baxday Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ayaa lagu codsaday in la hakiyo habka qarash bixinta Dowlad Goboleedka Galmudug marka laga reebo mushaarad Shaqaalaha Rayidka iyo qarashaadka ku baxa Raashinka Ciidamadda. Warqaddan ayaa soo baxday kadib markii la ogaaday in Qasnadda wasaaradda maaliyadda Galmudug lagala baxay 428,000 dollar. Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda Maaliyadda […]

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyey Siyaasadda Galmudug.

Xaaladda siyaasadeed ee Galmudug ayaa mareysa meel xasaasi ah, waxaana magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ka socda dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda. Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug waxaa wali ku sugan Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, isagoo halkaas ka wada xalinta tabashooyinka beelaha qaar. Kheyre ayaa wali ku guuleysan cabashada beesha Dir, arintaas oo keentay in […]

Continue Reading

Wasaaradda Kalluumeysiga oo ka war bixisay Kalluun ku soo caariyay Xeebta Muqdisho

Wasaaradda Kallumeysiga ee Soomaaliya ayaa faah-faahin hor dhac ah ka bixisay kalluun shalay kasoo caariyay Xeebta Magaalada Muqdisho. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kallumeysiga, Maxamuud Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in kalluunkaas uu kusoo caariyey Xeebta u dhaw Xerada Xalane, isla markaana aysan jirin meel kale oo lagu arkay. Kalluunkaas oo […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka, kaddib markii ay ansixiyeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Gole oo wadajir u ansixiyey miisaaniyaddan sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa, iyagoona ku ansixiyey cod aqlabiyad leh. Madaxweyne Farmaajo […]

Continue Reading

Xaalada Caawa ee Magaalada Dhuusamareeb.

Xaalada Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug ayaa caawa dagan kadib markii fiidkii hore ay ka dhacday israsaaseyn kooban. Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in rasaas kooban laba xilli oo isku dhow ka dhacday agagaarka xerada Inji oo xarun u ah hoggaanka Ahlu Sunna Waljaamaca. Israsaaseynta ayaa u dhaxeysay ciidamada Dowladda iyo ciidanka Ahlu Sunna. Waxaana ka dhashay […]

Continue Reading

Dal Shisheeye oo Abaabulay Qaraxii ExKontorool

Qaraxii 28 December 2019 ka dhacay isgoyska ExKontorool Afgooye ayaa la sheegay in ay abaabulkiisa ka dambeeyey dalal shisheeye oo diidan xasiloonida iyo Horumarka Somaaliya. Bogga Twitterka ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa lagu daabacay in at gudbiyeen Madaxda qaranka warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, […]

Continue Reading

Maraykanka oo Jehad Serwan ka baadigoobaya Xarardheere

Diyaarado la rumeysan yahay in ay leeyihiin ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ka howlgala ayaa fiidnimadii 26 December 2019 warqado ku daadiyey hareeraha iyo gudaha degmada Xarardheere gobolka Mudug. Goobjoogayaal ayaa u sheegay ceelhuur.com in warqadahan oo ay arkeen ay ku qornaayeen xogta ninka Dowladda Maraykanku aad u baadigoobayso Jehad Serwan Mostafa, iyadoo loo balanqaaday ciddii […]

Continue Reading

Taliyaha Ciidamada Kenya oo socdaal qarsoodi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada difaaca Kenya Janaraal Samson Mwathethe ayaa dalka Soomaaliya ku yimid safar qarsoodi ah. Jenaraal Samson Mwathethe ayaa shalay booqday degmada Badhaadhe oo ay Saldhig ku leeyihiin Ciidanka Kenya ee qeybta ka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Sidoo kale Samson Mwathethe ayaa Ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada […]

Continue Reading

Gen. Cabdixamiid Dirir oo Ka warbixiyey Qaraxii Gaalkacyo.

Taliyaha Ciidanka Dhulka CXD General Cabdixamiid Maxamed Dirir oo wareysi siiyey warbaahinta Dowladda ayaa faah faahiyay weerar Ismiidaamin ahaa oo fiidkii hore ee xalay ka dhacay Koofurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. General Cabdixamiid Maxamed Dirir, ayaa sheegay in gaariga laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu dhuftay gaarigii ay wateen, isagoo nooca gaariga uu watay […]

Continue Reading