Gen. Cabdixamiid Dirir oo Ka warbixiyey Qaraxii Gaalkacyo.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Taliyaha Ciidanka Dhulka CXD General Cabdixamiid Maxamed Dirir oo wareysi siiyey warbaahinta Dowladda ayaa faah faahiyay weerar Ismiidaamin ahaa oo fiidkii hore ee xalay ka dhacay Koofurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

General Cabdixamiid Maxamed Dirir, ayaa sheegay in gaariga laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu dhuftay gaarigii ay wateen, isagoo nooca gaariga uu watay ninka isqarxiyayna ku sheegay inuu ahaa SURF oo beegsaday xili ay ka bexeen hoteelka weyn ee Five Star.

“Annaga hadeer waxey na gaasiiyeen iyo waxey noo dhimeen haba yaraatee majirto, laakiin dad Shacab ah oo meeshaas marayay ayey wax gaareen oo meesha ku baaba’ay, annaguse manihin dad waxaasoo kale lagu argagixin karo ama shaqada ay wataan kahor istaagaya” ayuu yiri Taliye Dirir.

Inta la xaqiijiyay 8 qof ayaa ku dhimatay weerarkaasi, halka Dhaawacu kor u dhaafay 30 ruux, Dadka weerarka xalay ka badbaaday waxaa sidoo kale kamid ahaa Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje iyo Saraakiil kale oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Gobolka Mudug.