Madaxweynaha Soomaaliya oo u duulay Sucuudiga

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safarkiisii ugu horeeyey kadib doorashadiisa ku aaday dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

FB_IMG_1487827035702

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaraha Aadan Cadde waxaa ka qaaday diyaarada laga leeyahay Sucuudiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dalka Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaaan, Madaxweynaha ayaa inta uu jooga dalkaasi soo cumraysan doono.

Farmaajo ayaa inta uusan dalka ka dhoofin Ra’iisulwasaare u magacaabay Mudane Xasan Cali Kheyre, oo haysta dhalasha Norway.