Shabaab oo la wareegay degaan u dhow Baraawe

Al-Shabaab ayaa xalay la wareegay  Degaanka Rasadaay ee duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay isaga baxeen Ciidanka AMISOM. Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii isaga baxay Degaanka Rasadaay, iyadoona ay muddo gaaban kadib la wareegeen Shabaabka. Ciidamada Uganda, ayaan la garanayn ujeedada ay uga baxeen degaankaasi, […]

Continue Reading

Daawo: Senator Abshir Bukhari oo Cadaado ka hirgaliyey Machadka Indhoolayasha

Munaasabad galabta lagu qabtay xarunta adeega bulshada ee Senator Abshir Bukhaari ayaa lagu daahfuray Machadka Indhoolayaasha ee Galmudug. Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin iyo xubno ka tirsan naafada Galmudug. Machadkan ayaa lagu tababari doonaa dadka aragga ka naafadda ah, waxaana maalgaliyey Senator Abshir Bukhaari. Halkaan ka daawo muuqaalka. Share garee

Continue Reading

Taliyayaashii NISA iyo Booliska oo xilkii laga qaaday

Golaha Wasiirada Soomaaliya  ayaa maanta shir ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho, shirkaas oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa warbixin looga dhageystay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow , Wasiirka ayaa ka hadlay dhacdadii qaraxii Isgoyska Zoobe ee 14 October iyo kii xalay lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2. Wasiirka Amniga […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo oo furay Shirka Wadatashiga Madasha Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka Madasha Hoggaanka Qaran.  Shirkan ayaa ka furmay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia Magaalada Muqdisho, waxaana Madaxdu ku gorfeynayaan Sidii loo dhameyn lahaa kala aragti duwanaanshaha  Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, Guluf dagaalka oo ka dhanka ah ururka Alshabaab. Wasiirka Arrimaha Gudaha […]

Continue Reading

Madaxweyne Xaaf oo ka qeybgalaya Shirka Madasha Qaran

Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil katirsan Madaxtooyada Galmudug Waxaa la filayaa in beri uu magaalada Muqdisho u safro Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Mr. Ducaale ayaa ka qeybgali doona shirka Madasha Hoggaanka Qaran ee beri ka furmaya caasimadda dalka, Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlin doona wasiiro iyo xildhibaano. Arintan ayaa timid […]

Continue Reading

Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya?

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar). Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa Masiibadii Qaran ee 14kii Oktoober 2017, Geeridii General Maxamed Abshir Muse, Geedisocodka Deyn-Cafiska iyo arrimo kale. Ugu horreyntii Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa […]

Continue Reading

Wariye ku geeriyooday Dagaal dhexmaray AMISOM iyo Al-Shabaab

Wariye Jacfar Cali Daacad, ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay Weerarkii ka dhacay degaanka Carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho. Sida ay warbaahinta u sheegeen Maamulka Idaacadda Dayax oo ku taalla degmada Afgooye, Wariyaha ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana ugu dambeyntii uu ku dhintay Isbitaal ku yaalla Muqdisho. Waxaa la sheegay in ay ku dhaceen […]

Continue Reading