Dagaal ka socda Bariga Gobolka Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Mudug gaar ahaan degaanka Godad ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo Dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa bilowday aroortii hore ee saaka , waxaana dadka degaanka ay ku soo tooseen, iyada oo uu socdo dagaalka, labada dhinacna ay soo gaarayaan gurmadyo hor leh.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya dhanka Galmudug dagaalkan in looga dhaawacay Lix qof oo isbitaalada la soo gaarsiiyay, halka Puntland dhankeeda uu jiro khasaare balse ilaa hadda aanan laga heyn tirada rasmiga ah, sidoo kalena ay jiraan waxyeelo soo gaartay Rayidka degaanka.

Saraakiisha Ciidamada labada maamul ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan dagaalka, iyada oo weli aysan jirin cid kala dhexgashay dhinacayada dagaalka isku haya.