Wariye ku geeriyooday Dagaal dhexmaray AMISOM iyo Al-Shabaab

Wararka Maanta

Wariye Jacfar Cali Daacad, ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay Weerarkii ka dhacay degaanka Carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Sida ay warbaahinta u sheegeen Maamulka Idaacadda Dayax oo ku taalla degmada Afgooye, Wariyaha ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana ugu dambeyntii uu ku dhintay Isbitaal ku yaalla Muqdisho.

Waxaa la sheegay in ay ku dhaceen dhowr Xabadood oo kaga dhacay dhanka Madaxa.  Waxaa sidoo kale Weerarkaasi ay waxyeelo kasoo gaartay dad Shacab ah. Weerarkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Ciidanka AMISOM oo halkaasi howlo roondo ah ka waday, Weerar ku bilowday Qoryaha garbaha laga tuuro gaar ahaan Qoriga 7-ka ay ku soo qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab.