Madaxweyne Jacob Zuma oo is casilay

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa xilka iska casilay kaddib maalmo uu haystay caddaadis ballaaran oo uga imanayay xubnaha xisbigiisa ANC. Waxa uu iscasilaaddiisa kaga dhawaaqay khudbad uu xalay uu jeediyay taleefishinka Qaranka. Goor sii horraysay xisbiga ANC ayaa Zuma u sheegay inuu xilka banneeyo haddii kale uu wajahi doono in baarlamaanka uu maalinta Khamiista ah […]

Continue Reading

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha oo ka hadlay biyo la’aanta Webiga Shabeelle

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay xaaladda biyo la’aanta ah ee ka taagan qaar ka mid ah Gobolada dalka Somaliya oo wabigii uu guray, dadkana ay soo food saartay xaalad adag. Saalim Caliyow Ibroow Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa baaq u diray Hay’addaha ka shaqeeya arrimaha […]

Continue Reading

Al-Shabaab oo Madaafiic ku weeraray Saldhig ciidamada Kenya

Al-Shabaab ayaa xalay Madaafiic ku garaacay degaanka Ceel-raam oo ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka kenya. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Kenya ayaa warbaahinta u xaqiiijiyay in ay jirto Madaafiicda lagu garaacay degaanka, waxaana ay ka gaabsadeen in ay Faahfaahin ka bixiyaan Khasaaraha ka dhashay. Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ay iska […]

Continue Reading

Xog ku saabsan Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Cabaas Siraaji.

Dowlad Gogoboleedka Jubbaland ayaa joojisay qabanqaabada Doorasho Musuqmaasuq aheyd oo ay wadeen  Gudiga doorasha  ay Xaliima yarey, Gudoomiyaha ka tahay.   Ergo been  abuur ah ayaa la rabay in caawa lagu sawiro Hotel MAKA, oo ku yaalla  Magaalada Kismaayo waxaa arintaas joojisay Dowlad goboleedka Jubbaland. Xuseen oo ka tirsan Gudiga Doorasha oo xiriir la leh Agaasimaha […]

Continue Reading

Booliska Canada oo bilaabay Baarista dilkii loo geystay Cigaal Daa’uud

Ciidamada dalka Canada ayaa waxa ay bilaabeen Baaritaano ku aadan  wiil Soomaaliyeed oo Axadii lagu dilay Magaalada Ottawa ee Dalka Canada. Booliska waxa ay sheegeen in ay waddaan Baaritaano cidda ka dambeysay dilka Cigaal Daauud oo ka mid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed ee kunoolaa dalkaasi. Sarkaal Sare oo ka tirsan Booliska ayaa sheegay in Cigaal oo 30 […]

Continue Reading

Eng. Yarisow oo Dhagax-dhigay Dayactirka Xarunta Degmada Yaaqshiid (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Yaaqshiid oo dib-u-dayactir lagu sameynayo. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir ay ka go’an tahay dhismaha xarumaha dawladdaha Hoose ee Xamar, si loo fuliyo adeegyada loogu qabto bulshada Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay shacabka ku nool […]

Continue Reading

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay Maqaamka Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay Maqaamka Caasimadda oo waqti badan soo jiitameysay, is qabqabsi badana faraha la galay, wuxuuna su’aal ka keenay Maqaamka Muqdisho. Waxaa uu sheegay Maqaamka Caasimadda in mar walba meel loo jiido oo mararka qaar lagu eedeeyo in ay heystaan Madasha iyo Baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay arrintan […]

Continue Reading

Gaari miino kula qaraxday duleedka Balcad

Darawalkii gaari kuwa xamuulka qaada ah ayaa ku dhintey kaaliyihiisana wuu ku dhaawacmay kadib markii saaka ay miino kula qaraxday gaari ay wateen duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe. Gaarigan oo saaka ka tegey degmada Balcad ayaa marayay halka loo yaqaan Haan Shiiq oo dhinaca Waqooyi qiyaastii 7km ka xigta degmada Balcad xilligii ay miinadu […]

Continue Reading