1500 Oo ka tirsan ONLF oo Xabsiyada laga sii daayey

Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga ka sii daayay ku dhawaad  1,500 Qof oo ka tirsan Jabhadda Mucaaradka ah ee ONLF ee ka dagaallanka dhulka Soomaalida Itoobiya. Siideynta Maxaabiistaan ayaa lagu soo beegmay xilli wadahadal qaatay maalmo badan ay yeesheen ONLF iyo sidoo kale dowladda Itoobiya. Dadkaan faraha badan ayaa laga sii daayay […]

Continue Reading

Suuqa Bakaaraha oo maanta Xiran

Waxaa Saakay xiran inta badan Suuqa weyn ee Bakaaraha ka dib markii Ganacsatadda Suuqa ay ku dhawaaqeen shaqo joojin. Shaqo joojintaan ayaa timid ka dib markii ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay kusoo rogtay Canshuur dheeraad ah oo aysan qaadikarin. Qaar ka mid ah Ganacsatadda ayaa Risaala u xaqiijiyay in guud ahaan Saakay ay xiran […]

Continue Reading

Akhriso: Wareegto lagu joojiyey dhul-bixinta Degmada Hobyo.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa lagu joojiyey bixinta dhulalka banaan degmada Hobyo, Wareegtadan ayaa timid kadib markii buuq ka dhashay dhulal banaan oo ku yaala magaalo xeebeedka Hobyo. Iibka dhulka degmada Hobyo ayaa sara u kacay, waxaana maalmihii lasoo dhaafay ku qulqulaya dad doonayey in ay dhulal ka […]

Continue Reading

Qeybtii 1-aad Soomaali ku dhibaneyd gudaha Liibaya oo Muqdisho la keenay (Sawirro)

Qaar kamid ah Tahriibayaashii Soomaaliyeed ee ku dhibanaa gudaha Wadanka Liibiya ayaa  Maanta laga soo dajiyey  Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Muwadiniintan maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa tiro ahaan gaarayey ilaa iyo 11-qof , waxaana dadkaan kamid ah caruur iyo haween ay wajiyadooda ka muuqdeen duruuftii adkeyd oo ay kula soo kulmeen dalka Liibiya. […]

Continue Reading

Nin Soomaali ah oo lagu xiray Jarmalka

Ciidamada la dagaalanka Argagixisadda ee dalka Jarmalka ayaa xabsiga ka dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu horay uga tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Gudaha Soomaaliya. Waxaa lagu Magacaabaa Shaqsiga la xiray Cabdiqaadir, waxaana da’diisa lagu sheegay 20 sano jir. Ciidamada Booliska  ayaa ku eedeeyay in uu ku lug lahaa isku day dil oo […]

Continue Reading

Waa kuma Madaxweynaha Cusub ee Koonfur Afrika?

Madaxad caddaalada ee dalka Koonfur Afrika, Mogoeng Mogoeng ayaa xilka madaxweynaha ee dalka Koonfur Afrika u dhaariyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi, imikana ah madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa. Barlamaanka dalka Koonfur Afrika oo kullan ku yeeshay magaalada Cape Town ayaa Cyril Ramaphosa u doortay inuu noqdo madaxweynaha dalkaasi. Mr Mogoeng Mogoeng ayaa maanta […]

Continue Reading

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo is casilay … Ogow Sababta

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa iscasilay, sida laga baahiyay telefishinka qaranka Itoobiya. Ilaa iyo haatan lama sheegin sababta ka dambaysa is casilaadiisa. Hailemariam Desalegn ayaa sidoo kale la sheegay in uu iska casilay gudoomiyanimadii xisbiga haya talada dalkaasi ee People’s Revolutionary Democratic Front. Iscasilaadiisa ayaa ku soo beegmaysa ka dib muddo bilooyiin ah […]

Continue Reading

Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Cabaas Siraaj oo Kismaayo ka dhaceysa

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay ka dhacdo Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo banaanaa. Kursiga Golaha Shacabka ee lagu tartami doono ayaa waxaa horey ugu fadhiyay Allaha u naxariistee Marxuum Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji oo ahaa Wasiirkii […]

Continue Reading