Xog ku saabsan Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Cabaas Siraaji.

Wararka Maanta

Dowlad Gogoboleedka Jubbaland ayaa joojisay qabanqaabada Doorasho Musuqmaasuq aheyd oo ay wadeen  Gudiga doorasha  ay Xaliima yarey, Gudoomiyaha ka tahay.   Ergo been  abuur ah ayaa la rabay in caawa lagu sawiro Hotel MAKA, oo ku yaalla  Magaalada Kismaayo waxaa arintaas joojisay Dowlad goboleedka Jubbaland.

Xuseen oo ka tirsan Gudiga Doorasha oo xiriir la leh Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa wada Musuqmaasuqa ugu badan, arintaan waxaa iyada raali ka ah  Xaliimo yareey oo ah Gudoomiyaha Gudiga doorashada.

Dhinacakale waxaa socda shirar xasaasi ah oo ay leeyihiin dadka wax tabanaaya oo ka cabanaaya musuqmaasuq weyn oo ay wadaan Gudiga doorashada, BEESHA HUBEER,  ayaa  arinta socota kasoo horjeesatay, waxayna bogaadiyeen  tallaabada Maamulka Jubbaland ay ku joojiyeen Doorashada musuqmaasuqa aheyd.

Wixii ilaa caawa soo kordha waan idinla soosocodsiineynaa