Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Dalka Afgaanistaan.

Sida ay tabinayaa wakaalada wararka saaka ayaa waxaa Xaafada Dasht Barchi Magaalada Kaabul caasimadda dalka Afgaanistaan ka dhacay qarax ismiidaamin ah, Qaraxaan ayaa ka dhacay xarun diiwaangalin codbixin. Saraakiisha Booliska Afgaanistaan ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 4 qofood ku dhinteen, halka 15 kale ku dhaawacmeen, Waxaa suurtagal ah in khasaaruhu intaas ka bato, madaama Qaraxu goordhow […]

Continue Reading

Shuruud Adag oo la hordhigay Wasiirada isku sharaxay Gudoomiyaha Barlamaanka

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Aadan Shaacir oo ka mid ah Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in warqada musharaxa aan laga aqbali doonin qof xil ka haya Golaha Wasiirada, hadii uusan iska soo casilin xilkaas. “Xubnaha Golaha Wasiirada ee isku soo sharaxay xilka Guddoomiyaha Golah Shacabka, waa inuu iska soo casilaa xilka Wasiirka uu haayo, […]

Continue Reading

Qofka ugu da’da weynaa Caalamka oo geeriyootay

Dalka Japan waxaa ku geeriyootay Nabi Tajima, oo dhalatay Bishii  August 4dii ee Sanadkii,1900,kii waxaana ay ku geeriyootay Isbitaal ku yaalla Jasiiradda Kikai ee Gobolka  Kagoshima ee dalka Japan. Sarkaal ka mid ah kuwa Isbitaalka ay ku geeriyootay Susumu Yoshiyuki,ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay geerida Haweeneyda inta la ogyahay ahayd qofka ugu da’da weyn dadka hadda nool. Shalay […]

Continue Reading

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo dhagaxdhigay dhismaha xaafad cusub

Xaafaddan cusub oo lagu magacaabi doono Kismaayada Cusub (New Kismayo) ayaa waxaa loo dhisi doona hab casri ah, ayadoo la qaabeeyn doono wadooyinkeeda iyo hab dhismeedkeedaba, waxaana mashruuca dhismahan fulineeysa shirkad lagu magacaabo Milestone oo fadhigeedu yahay dalka dibaddiisa. Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan golaha […]

Continue Reading

Swedish agency’s initiative to benefit Somali private sector

The partnership with the Swedish International Development Cooperation Agency (Sida) will empower citizens through entrepreneurship. The programme was launched on April 18 and includes Dahabshiil Bank International, Premier Bank and International Bank of Somalia. On its website, Sida says the purpose of the project is to “expand the provision of low collateral loans to small […]

Continue Reading

Nuur Iidow Bayle oo loo doortay Gudoomiyaha Gudiga doorashada Barlamaanka

15-kii  Xubnood ee loo xil saaray Doorashadda Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa ay doorteen Gudoomiye ka dib doorasho ka dhacday Galabta xarunta Villa Hargeysa. 15-ka Xubnood ayaa Guddoomiye u doortay Xildhibaan Nuur Iidow Bayle oo dhawaan Baarlamaanka kusoo biiray. Xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa hoggaamin doona Guddiga tan iyo inta laga gaaraayo doorashadda Guddoomiyaha Baarlamaanka […]

Continue Reading

Sawirro: MD Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga guddoomay warqadaha danjiranimo Safiirka Dalka Qatar ee loo soo Magacabay Soomaaliya Mudane Xasan Xamsa Asad. Danjire Xamsa ayaa Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay salaan uu uga siday Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad, waxa uuna adkeeyey danjirahu in uu kaaalintiisa ka qaadan […]

Continue Reading

Faafaahin Imtixaanka Mideysan ee Dugsiyada Sare

Wasiiru dolaha wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in wasaaraddu ay go’aamisay in 19-bisha May la qabto imtixaanada mideysan ee dugsiyada dalka, islamarkaana ay u fariisan doonaan 27-kun oo arday oo qaarkood ku galaya gobolada dalka. Wasiiru dowlaha Waxbarashada dalka ayaa sheegay in 21-kun oo kamid ah ardayda ay ku gali doonaan […]

Continue Reading

Sawirro: Casho sharaf loo sameeyey Gud. Barlamaanada Dowlad-goboleedyada

Casho sharaftaan uu guddoomiyaha  Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ahayd mid sagootin iyo dar daaran ah. Cashada kadib ayaa waxaa goobta ka hadlay guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada iyagoo u mahadceliyay gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan iyo Hirgalinta Dastuurka Maxamed Daahir Afrax ayaa ka hadlay  waxqabadkii mudada labada maalmood […]

Continue Reading