Madaxwaynihii hore ee kenya oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Daniel Arab Moi ayaa saaka subaxdii hore ku geeriyooday magaalada Nairobi, sida uu xaqiijiyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.   Daniel Arab Moi oo ahaa 94 sano jir ayaa soo xukumayay dalka Kenya 24 sano, isagoo xukunka ka dagay sanadkii 2002. Bilihii la soo dhaafay ayaa la sheegay inuu xanuunsanaa, waxaana […]

Continue Reading

C/rishiid janan oo beled xaawo lagu soodhaweeyay

Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa goor dhow gaaray degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo. Sida wararku sheegayaan C/rashiid Janan ayaa ka yimid dhanka magaalada Nairobi oo maalmihii la soo dhaafay uu ku sugnaa. Wararka ayaa sheegaya in C/rashiid Janan ay ku soo dhoweeyeen magaalada Mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan bulshada, sidoo kale […]

Continue Reading

Odowaa”Uma sacab tumi doono gabood faladii ay gaysteen Farmaajo iyo Khayre”

Musharaxii Madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Odawaa ayaa ku gacan seyray inuu taageero hannaankii doorashada Galmudug ee muranka dhaliyay oo ay dowladdu waday bilihii la soo dhaafay, kaasoo Axadii la soo dhaafay Madaxweyne loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. C/raxmaan Odawaa ayaa ku mowqif noqon saddexdii Musharax ee uu Isbaheysiga la ahaa, kuwaasoo xalay soo saareen […]

Continue Reading

Axmed cabdi kaariye oo ku guulaystay doorashada madaxwaynaha galmudug

Axmed Cabdi Kaariye oo ahaa Madaxweynaha Dooran ee Galmudug ayaa sidii la filayay ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Galmudug ee muranka badan ka taagnaa, oo ay horay u qaadaceen inta badan Musharaxiintii mucaaradka ahaa. Doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Dhuusamareeb oo qaadatay wax ka yar saacad ayaa Musharaxii dowladda wadatay ee la ogaa inuu dooranaa […]

Continue Reading

Baahi intee la eg ayaa loo qabaa in muqdisho hesho garoon diyaaradeed oo kan hada ka baaxad wayn?

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo soo bandhigay tirakoobka duulimaadyadii yimid garoonka sanadihii 2018 iyo 2019.   Wasiir Oomaar ayaa sheegay in Garoonka Aadan Cadde uu ka mid yahay 10-ka garoon ee ugu dhaq dhaqaaqa […]

Continue Reading

Aqalka sare oo kalfadhi kaleh sharciga doorashooyinka

Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kulankooda caadiga ahaa ku leh xaruntooda Muqdisho, iyadoo ajandaha kulanka maanta uu yahay Sharciga Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal. Sharcigan oo todobaadyadii la soo dhaafay loo saaray Guddi ka baaraan-daga si ay dib u eegis ugu sameeyaan, ayaa maalintii Arbacadii dib ugu soo celiyay Golaha, […]

Continue Reading

Xasan shiikh oo xaalada Galmudug baaq ka soosaaray

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray baaq ku saabsan xaalada siyaasadeed Galmudug, oo ay xilligan mareyso heerkii ugu sareysay, kaddib markii saddex garab ay u qeybsantay Galmudug, kalana doorteen illaa Labo Madaxweyne, lana filayo garabka 3aad in maalinta berri ay doortaan Madaxweyne.   Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in la muujiyo […]

Continue Reading

C/rishiid janan oo diyaarad ciidan looga qaaday kismaayo

Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (C/rashiid Janan) ayaa goor dhow diyaarad looga qaaday Kismaayo, isaga oo ku sii jeeda magaalada Nairobi. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa inoo xaqiijiyay in C/rashiid Janan arrimo caafimaad loogu qaaday dalka Kenya. Wararka ayaa sheegaya in diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Milateriga Kenya looga qaaday garoonka diyaaradaha Kismaayo. Saraakiil […]

Continue Reading

Siciid deni oo ku baaqay in qaab dhaqaale lagula dagaalamo Alshabaab

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo ka hadlayay munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Nairobi isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa sheegay in dadka xagjirka ay caqabad ku yihiin nabadda, degenaanshaha iyo wada noolaanshaha dadka ku nool Geeska Afrika. Madaxweyne Saciid Deni ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto, gaar ahaan […]

Continue Reading

Nisa oo gacanta ku dhigtay shabakad qaraxyada u qaabilsanayd Alshabaab

Taliska Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in howlgal qorsheysan oo ciidanka Amniga fuliyay lagu soo qabtay Shabakad Al-Shabaab u qaabilsan qaraxyada iyo maadooyinka laga sameeyo qaraxyada. Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in howlgalo dhacay 26 iyo 28 bishan Janaayo lagu soo qabtay Shabakad Al-Shabaab […]

Continue Reading