Madaxwayne Farmaajo oo saxiixay sharciga batroolka dalka

Muqdisho, Febaraayo 08, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Batroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed u leeyahay sharcigan oo hagaya xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga […]

Continue Reading

Aqalka sare oo meel marinaya sharciga doorashooyinka

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu meel mariyo sharciga Doorashooyinka Qaranka oo maalmihii la soo dhaafay Aqalka ka doodayay, horayna Guddi ugu saaray si ugu soo baaraan-dagaan sharcigan. Doodda uu maalmihii la soo dhaafay Aqalka Sare ka lahaa sharcigan ayaa ahaa mid lagu kala aragti duwanaa oo […]

Continue Reading

C/rishiid janan oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo fara badan oo ka tirsan daraawiishta Jubbaland ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan duleedka degmadaas. Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ujeedkooda yahay sidii weerar ugu qaadi lahaayeen degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow oo maalmo ka hor ay la wareegeen […]

Continue Reading

Soomaaliya iyo Rwanda oo kala saxiixday heshiis ku saabsan socdaalka hawada

Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda ayaa kala saxiixday heshiis la isugu furayo hawada labada dal si loo sahlo ganacsiga labada dal Soomaaliya ayaa waxaa heshiiska u saxiixay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdulaahi Salad halka dowlada Rwanda uu u saxiixay Wasiirka Kaabayaasha Claver Gatete. Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdulaahi Salad ayaa aad u […]

Continue Reading

Dowlada federaalka oo ka hadashay ciidamada ay geysay gobolka gedo

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sharaxaad ka bixiyay ciidamada milatariga ee lagu daabulayo deegaano ka tirsan gobolka Gedo. Maxamed Cabdi Xayir Wasiirka Warfaafinta ayaa ku macneeyay sababaha loo geeyay ciidamada gobolka Gedo ay tahay sidii ay ugaga qeyb qaadan lahaayeen difaaca dalka. “Dastuurka ayaa qeexaya in dowlada federalka ay ciidamo […]

Continue Reading

Ku xigeenkii gobolka gedo iyo gudoomiyihii degmada baardheere oo xamar lagu xiray

Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku xirtay Guddoomiye kuxigeenkii Gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (Al-Qaadi) iyo Gudoomiyihii degmada Baardheere Ismaaciil Qorax, kaddib markii shalay waan waan muddo socotay lagu keenay magaalada Muqdisho.   Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo iyo Guddoomiyaha degmada Baardheere shalay diyaarad looga soo qaaday Baardheere, markii wada hadalo muddo […]

Continue Reading

Wariye Soomane oo damiin lagu sii daayey

Wararka ka imanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in damiin lagu sii daayay weriye Cumar Maxamed Soomane oo ciidamada Booliska xireen shalay. Dadaalo ay sameeyeen ururka saxafiyiinta Puntland ayaa suurtogeliyay in damiin muddo 7 maalmood ah lagu sii daayo weriye Soomane. Wariye Soomane ayaa loo haystaa warar uu ka sii daayay idaacada Kulmiye oo uu wakiil […]

Continue Reading

Donald trumb oo ka bad baaday duufaantii xilka qaadista ahayd

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si dirqi ah uga badbaaday xil ka qaadis ay damacsanayaayeen inay ku sameeyaan Xisbiga Dimoqraadiga, kaddib markii mooshin ay ka keeneen. Donald Trump ayaa lagu waayay wax dambi ah, iyadoo 52 cod ay u codeeyeen in aanu wax dambi ah gelin, halka 48 cod ay u codeeyeen inuu dambi galay, […]

Continue Reading

C/kariin guuleed oo ku eedeeyay dowlada abaabul dagaal oo ey gedo kawado

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumaddii hore C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ayaan-darro ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay awood ciidan ay ku abaabusho degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo, halkii ay aheyd inay geliso Al-Shabaab iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka. C/kariin Guuleed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in dowladda […]

Continue Reading

Dowlada oo ciidamo cusub u daabulaysa deegaano kamida jubaland

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ciidamo dheeraad ah ay u daabusho degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo, iyadoo Ciidamadan ay yihiin kuwa Booliska gaarka u tababaran ee Haramcad. Sida wararku sheegayaan Ciidamadan ayaa la geynayaa degmooyinka Baardheere, Beledxaaw iyo Luuq, waxaana ciidamadan ay xoojinayaan kuwii maalmo ka hor la geeyay deegaanadaas. […]

Continue Reading