Su’aalo kala duwan ayaa ka dhashay Sawirka nin ay Kenya soo bandhigtay oo ay ku sheegtay magaciisa C/waaxid Khaliif Cabdi oo loo yaqaan Ciise Tarabuun, kaasoo bishii June ee sanadkii 2017 lagu qabtay howlgal ay Ciidamada Amniga Soomaaliya ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa shir jaraa’id oo uu xilligaas qabtay ku sheegay in Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab oo uu magaciisa ku sheegay C/waaxid Khaliif oo loo yaqaan Ciise Tarbuun.
Waxaa uu sheegay inuu ka dambeeyay dilalka ka dhaca Muqdisho oo bixin jiray fasaxa ugu dambeeya ee lagu khaarijiyo dadka sida uu yiri.
Hase ahaatee labo sano kaddib waxaa lagu soo baraarugay qoraal Booliska Kenya ku shaaciyeen bartooda Twitter-ka oo dadweynaha looga codsaday inay Booliska ku soo wargeliyaan ciddii aragta Ciise Tarabuun oo gudaha Kenya soo galay 24-kii bishan.
Arrintan ayaa durba dhalisay su’aalo kala duwan oo hareeyay baraha bulshada, qaabka ay ku suura gashay ninkan markii hore dowladda Soomaaliya ku sheegtay inuu yahay Sarkaal sare ama Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab u qaabilsan Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wixii ka dambeeyay bishii June 2017 ma jirin war dambe oo ka soo yeeray dowladda Federaalka oo ku saabsan meel lagu maxkamadeeyay Ciise Tarabuun oo dambiyadiisa lagu qaaday iyo sida lagu sii daayay haddii wax dambi ah lagu waayay.
Si kastaba ha ahaatee haddii uu dhab noqdo ninkan ay raadineyso Kenya inuu yahay ninkii ay dowladda Federaalka gacanta ku soo dhigtay labo sano kaddib, waxaa uu su’aal ka imaanayaa sida ay ku suura gashay sii deyntiisa iyo inuu ka dhoofo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.