Jubaland oo ciidamo dheeraad ah geysay qaybo kamid ah gobolka gedo

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu weli ka socdo deegaano ka tirsan gobolka dhaq dhaqaaqyo ciidan, iyadoo Maamulka Jubbaland uu labadii maalmood ee la soo dhaafay uu geeyay ciidamo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka. Sida wararku sheegayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo ka yimid dhanka degmada Ceelwaaq ayaa gaaray duleedka Beledxaawo […]

Continue Reading

Laftagareen oo magacaabay gudiga soo xulaya baarlamaanka 2aad ee koonfur-galbeed

Madaxweynaha Maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya dhismaha baarlamaanka 2aad ee Koofurgalbeed. Guddigan oo ka kooban 10 xubnood oo labo ka mid ah ay yihiin dumar waxaa ay ka mid ah guddoomiye,guddoomiye ku xigeen iyo xoghayn. Lama oga qaabka ay u soo xuli doonaan guddigan xildhibaanada baarlamaanka iyadoo hore ay […]

Continue Reading

Nuxurka khudbada madaxwayne farmaajo ee meertada 33aad ee shir madaxeed africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay guulaha uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaaradda ahaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo a ayaa xusay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku dabar-gooynayso khatarta argagixisadu ay […]

Continue Reading

Midowga africa oo kasoo horjeestay qorshaha nabada bariga dhexe ee Trump

Dalalka ku bahoobay urur goboleedka Midowga Afrika ayaa ka soo horjeestay qorshaha nabadda bariga ee madaxweyne Trump dhowaan shaaciyay. Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Muuse Faki Maxamed ayaa qudbad uu ka jeediyay Shirweynaha 33-aad waxa uu ku sheegay in Midowga Afrika uu taageerayo qadiyada dadka Falastiin kana soo horjeedo qorshaha Trump ee siyaasadiisa Bariga Dhexe. “Qorshahan […]

Continue Reading

C/rishiid janan oo loogu baaqay inuu deg deg uga baxo mandheera

Xildhibaanada, Senatarada iyo Mas’uuliyiinta Ismaamulka Gobolka Mandhera ee Gobolka waqooyi Bari Kenya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay ka saarto magaalada Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo dhowaan ka soo baxsaday dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo uu wato. Qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Senatarada laga soo doorto Gobolka […]

Continue Reading

Taliska qaybta 21aad oo ku guulaystay xalinta dagaal beeleedyo

Taliska qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in xal laga gaaro colaad u dhaxeysay labo maleeshiyo beelood oo horay ugu dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan. Labada maleeshiyo beeleed ayaa horay ugu dagaalamay deegaano ku dhow degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkaas uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. […]

Continue Reading

Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladaha magaalooyinka mandheera iyo beled-xaawo

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xiisad dagaal ay ka jirto magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandhera oo ku kala yaal xadka kala qeybiya dalka Soomaaliya iyo Kenya. Xiisadan ayaa salka ku haysa kadib markii ay fariisimo ka dhex sameysteen gudaha magaalada Mandhera ee dalka Kenya ciidamo daacad u ah maamul goboleedka Jubbaland oo uu hoggaaminayo Wasiirka […]

Continue Reading

Xildhibaan mahad salaad”Sharciga batroolka sooma marin habraaca sharci dajinta:

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in sharciga Batroolka ee Aqalka Sare soo gudbiyay 8-dii bishii Janaayo, isla markaana uu saxiixay Madaxweynaha 8-dii February 2002 ee shalay aysan soo marin habraaca sharci dejinta dalka. Qoraal uu Mahad Salaad u diray Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo […]

Continue Reading

Jubaland oo beesha caalamka uga digtay taageerada rabitaan shaqsi ah

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay si dhow ula socdaan xaalada ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan tan Jubbaland. Maxamuud Sayid oo ku sugan meel ku dhow Beledxaawo ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay qalqal gelin amni iyo buburin hey’adihii soo kobcayay ay ka wado Jubbaland. Waxaa uu sheegay in […]

Continue Reading