C/rishiid janan oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada gobolka Gedo

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo fara badan oo ka tirsan daraawiishta Jubbaland ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan duleedka degmadaas.

Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ujeedkooda yahay sidii weerar ugu qaadi lahaayeen degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow oo maalmo ka hor ay la wareegeen Ciidamo taabacsan dowladda Federaalka oo diyaarado looga soo daabulay Muqdisho.

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo todobaadkii hore ka baxsaday dowladda Soomaaliya ayaa horkacaya dhaq dhaqaaqyada cidan ee ka socda duleedka Kismaayo.

C/rashiid Janan oo xirnaa dharka milateriga ayaa saaka mar kale lagu arkay duleedka Beledxaawo, halkaasoo shalay markii u horeysay uu ka soo muuqday tan iyo markii uu ka soo baxsaday guri uu ugu xirnaa dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland iyo saraakiil kale ayaa iyana la sheegay inay qeyb ka yihiin qorshaha lagu doonayo in dib gacanta Jubbaland loo soo geliyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa dowladda Soomaaliya waxay Gobolka Gedo u dirtay boqolaal ciidamo isugu jira kuwa booliska gaarka u tababaran ee loo yaqaan Haramcad, kuwaasoo la wareegay Doolow iyo Beledxaawo oo ahaa deegaan awood badan ku lahaa C/rashiid Janan.