Duqa Muqdisho oo amar ku bixiyay in laga baxo dhulkii hore ee Minishiibiyada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in laga baxo dhulkii ay laheyd Kooxda Minishibiiyada ay ku laheyd degmada Warta Nabadda. Guddoomiye Cumar Filish ayaa shalay kormeer ku tagay garoonka kubadda cagta ee Naadiga Muqdisho City Club ee dowladda Hoose, waxaana ujeedka kormeerkiisa ahaa mid dhiira gelin ah iyo […]

Continue Reading

Buuq kataagan fadhi wadajir ah oo ay yeelan lahaayen labada gole ee baarlamaanka soomaaliya

Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya fadhi wadajir ah oo ay uga doodayaan Miisaaniyadda sanadka 2020, sida lagu shaaciyay farriimo xalay loo diray Xildhibaanada labada Gole. Guux ayaa ka taagan qabsoomida kulanka wadajirka ah ee Labada Gole ee Baarlamaanka, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ay dood […]

Continue Reading

Maxaa kamida qodobada looga wada hadli doono kulanka maanta ee madaxwayne farmaajo iyo madaxwaynayaashii hore

Waxaa maanta la filayaa inuu Muqdisho ka dhaco kulan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo ka tirsan Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran, kulankan ayaa ahaa mid horay loo sii iclaamiyay oo ka dambeeyay dalab ka yimid dowladda Federaalka. Sida wararku sheegayaan kulankan ayaa ah mid qado ah […]

Continue Reading

Dhagaysiga dacwada xisbiga Hilmilo Qaran ay dowlada ka gudbiyeen oo bilaabatay

Maxkamada Sare ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad ay Maxkamada Sare u gudbiyeen Xisbiga Himilo Qaran. Dacwada ayaa waxaa ay la xiriirtaa xayiraadii garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu xayirey Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif sheikh Axmed,xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo. Goobta dacwada lagau qaadayay ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe […]

Continue Reading

Isla ciidamada dowlada oo dhaawacay taliyihii booliska degmada Hiliwaa

Taliyihii Saldhiga Booliska degmada Hiliwaa Gaashaanle Cali Culusow ayaa ku dhaawacmay iskahorimaad dhex maray ciidamo Boolis ah iyo kuwa Milatari ah. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in iskahorimaad uu ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Heliwaa uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. labo askari oo ka tirsan ciidamada Milatariga ayaa ku dhintey iskahorimaadkan […]

Continue Reading

Xildhibaan Cosoble “Madaxweyne Farmaajo waxaan uga fadhinaa inuu raali gelin ka bixiyo isku daygii dilka ahaa ama sidey wax u dheceen ha cadeeyo”

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka tirsan Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan qorshaha lagu wada hadal siinayo Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin inta badan Xisbiyada mucaaradka dowladda. Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo la soo xiriiray Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh […]

Continue Reading

Kooxo hubaysan oo nabadoon caan ah ku dilay Kismaayo

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi lagu dilay mid kamid ah nabadoonada ugu caansan deegaannada Jubbaland. Rag hubeysan ayaa la sheegay inay Nabadoonka oo lagu Magacabi jiray Axmed Buulle Ibraahim ay ku dileen Xaafada Via-Afmadow ee Kismaayo,iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday. Xildhibaan […]

Continue Reading

Sarkaal sare oo katirsan Al-shabaab oo isku dhiibay laamaha amaanka Jubaland

Hay’ada Nabad Sugida Jubaland ayaa soo bandhigtay Sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, kaasoo ay sheegtay inuu isu soo dhiibay. Qoraal lagu dabacay baraha Bulshada ee Nabad Sugida Jubaland, ayaa lagu sheegay in ninka isa soo dhiibay oo lagu magacaabo Rayaan Shiikh Nuuur, Shabaab dhexdiisana looga yaqaano (Abuu Xamsa) uu madax uga ahaa Kooxdan […]

Continue Reading

Wararkii ugu danbeeyay xaalada magaalada Hargaysa

Iyadoo saacadihii la soo dhaafay magaalada Hargeysa ay gashay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay baaqii Guddoomiyihii Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro uu taageerayaashii ugu baaqay dibad baxyo ayaa waxaa Ciidamada Booliska Somaliland ay qaadeen tallaabooyin ay uga hortagayaan bannaan baxyada. Ciidamada Booliska ayaa xalay xabsiga u taxaabay Xoghayaha Guud iyo Afhayeenkii Xisbiga Waddani, waxaana arrintan cambaareeyay […]

Continue Reading