Kumaan doosta dowlada oo oday dhaqameed ku dilay wanlawayn

Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya Ciidamada Kumaandooska uu Mareykanka tababaray oo saldhigooda yahay Garoonka Balli-doogle ay xalay degmadaas ku dileen oday la sheegay inuu deegaanka caan ka ahaa. Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta maxalliga ayaa sheegay in Ciidamada Kumaandooska ee ka yimid dhanka Balli-doogle ay gurigiisa ku dileen […]

Continue Reading

Qudbadaha musharaxiinta gudoonka baarlamaanka galmudug oo maaanta la dhagaysanayo

Musharaxiinta u taagan xilka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta oo Khamiis ah la dhageysan doonaa khudbado ay u jeedin doonaan Xildhibaannada, si Musharax walba u soo bandhigo waxqabadkiisa. Saddex Musharax ayaa u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, waxaana tartanka kursigaas uu yahay mid aad u adag, oo maalmihii la soo dhaafay la dareemayay loolanka loogu […]

Continue Reading

Isbahaysi ka dhex samaysmay loolanka kursiga madaxwaynaha Galmudug

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ee mucaaradka ah ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo sameystay isbaheysi siyaasadeed, taasoo ah sidii ay ugu midoobi lahaayeen Musharaxa ay dowladdu wadato. Kulankan ayaa waxaa isugu yimid Musharax Madaxweyne C/raxmaan Odawaa oo ka tirsan Xisbiga UPD, Kamaal Dahir Guutaale oo ka tirsan Xisbiga Wadajir iyo C/llaahi […]

Continue Reading

Musharaxiinta gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo la gudoonsiiyay shahaadada musharaxnimo

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta ka guddoomiyay Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha araajidooda iyo taariikh nololeedkooda, iyadoo la siiyay shahaadado aqoonsi ah oo muujineysa inay buuxiyeen shuruudihii ku aadanaa Musharaxnimada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka. Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kala ah Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal, Xildhibaan C/naasir Aadan Cusmaan iyo C/llaahi Axmed […]

Continue Reading

Jubaland oo warbixin kasoo saartay howgalo ciidan oo ka dhacay deegaanadeeda

Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa ka warbixiyay howlgallo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolada Gedo iyo Jubadda Hoose, kaasoo ay fuliyeen Ciidamada Jubbaland. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdinuur Ibraahim oo Warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay afar xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab. Waxaa uu sheegay in howlgaladaas laga gaaray guulo, isagoo tilmaamay in […]

Continue Reading

Waare iyo laftagareen oo baydhabo ka furaya shir ku saabsan iskaashiga dhaqaalaha labada maamul

Shir u dhaxeeya Madaxda Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Baydhabo. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta Koofur Galbeed iyo Midowga Yurub ayaa looga hadli doono Iskaashiga mashruuc ballaaran oo ay maalgelineyso Midowga Yurub oo ah kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha labada dowlad goboleed. Madaxweynaha Koofur Galbeed […]

Continue Reading

Al-shabaab oo dib u hantay Toora toorow

Al-Shabaab ayaa dib ula wareegay deegaanka Tooratoorow oo ahaa saldhiggooda ugu weynaa, kaddib markii ay xalay fiidkii isaga baxeen Ciidankii Kumaandooska Danab ee xoogga dalka. Sida wararku sheegayaan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa gudaha u galay deegaanka, saacado un kaddib markii Ciidanka Danab ay isaga soo baxeen. Saraakiil ka tirsan ciidanka Kumaandooska ayaa laga soo xigtay in […]

Continue Reading

Danab oo muddo kadib Al-shabaab Toora-toorow kala wareegay

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee ka tirsan xoogga dalka ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo aheyd xaruntii ugu weyneyd Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay la wareegeen deegaankaas oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidanka Danab. Deegaanka […]

Continue Reading

Madaxwayne Farmaajo oo kor u dhaafay tirada safar ee xasan shiikh galay intii uu xaafiiska joogay

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka u ambabaxay dalka Cummaan, si uu uga qeyb galo Tacsida Qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanada Cummaan. Sida wararku sheegayaan Madaxweyne Farmaajo ayaa diyaarad qaas ah ay saaka ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo ku sii jeeda Caasimada Muscat. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka […]

Continue Reading

Magacyada iyo sababta afar nin oo Al-shabaab ku toogteen shabeelaha Hoose

Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay fagaare ku yaalla deegaanka Sablaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku toogtay afar ruux oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen dowladda Federaalka Soomaaliya. Maxkamadda Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xukun ku fulisay afarta qof, kuwaasoo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen dowladda Federaalka. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu […]

Continue Reading