Akhriso:Ajendaha Rasmiga ah Shirka Dowladda iyo Maamulada

Shabakadda Ceelhuuronline ayaa heshay ajendaha shirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada uga socda magaalada Muqdisho, kaasi oo si rasmi ah shalay u furmay. Shirkaan waxaa ka qeybgala madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana qodobada looga hadlayo kamid ah, Amniga, Dastuurka iyo qodobo kale Hoos ka Akhriso Amanda ha Rasmiga ee Shirka Ceelhuuronline

Continue Reading

Sawiro:Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo la Kulmay Safiirka ka UK ee Soomaaliya

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa maanta kulan la qaatay Safiir ku xigeenka wadanka Ingiriiska u dhafiyay Soomaaliya Ambassador Mrs Mary shockledge Kulanka oo ka dhacay safaarada wadanka UK ee Soomaaliya ayaa Madaxweyne ku xigeenku waxaa uu kala hadlay safiirka Xaalada Galmudug iyo Guud ahaan Soomaaliya. Mas’uuliintaan kulankooda oo saacado qaatay qodoba […]

Continue Reading

Shirka wadatashiga Dowladda iyo Maamulada oo Maalintii labaad galay

Shirka u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ayaa maalintii labaad galay, kaddib markii shalay uu furay Madaxweyne Farmaajo. Shirkii shalay oo ahaa mid furitaan oo ay Madaxda keligood ahaayeen ayaa la filayaa in maanta laga hadlo qodobada hor-yaala, sida ay xaqiijiyeen xubno ku dhow dhow. Waxaa kaloo la filayaa in shirka maanta […]

Continue Reading

Xildhibaano Gudbiyay Mooshin ku Saabsan Amniga

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa soo gudbiyay Mooshin ku saabsan Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya. Gudoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in Mooshinkaasi ay galabta ka doodi doonaan Guddiyadda Amniga ee golaha Shacabka. Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay soo gudbiyeen Mooshinkaasi. Waxaa uu […]

Continue Reading

Shabaabkii Weeraray hotel Naasa-hablood oo la sheegay inay wateen Kaararka NISA

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray in raggii ka tirsanaa Al-Shabaab ee  30-qof ku dilay Hotelka Naasa Hablood 2 ay isticmaaleen Kaararka Aqoonsiga ee Hay’adda Sirdoonka ee NISA (intelligence service ID cards). Wargeyska ayaa qoray in 5-tii qof ee weerarka ku galay Hoteelkaasi ay wateen Labiska u gaarka NISA, kuwaasoo […]

Continue Reading

Xildhibaan Zakariye Xaaji” Gudoonka iyo Xildhibaanadu waa wada Musuq

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka sheegay in Gudoonka Aqalka hoose uu hor istaagay Mooshinkii ay 23 bishii September ka keeneen tiro kamida Xildhibaanadu Faragalinta Dowladda Imaaraadku ku hayso arimaha Soomaaliya. Xildhibaanka oo si kulul uga hadlay arintaan ayaa yiri” 23 bishii September waxaan soo gudbinay Mooshin ka dhan ah […]

Continue Reading

Shiikh Nuur Baaruud” shirka u Socda Madaxda Soomaaliyeed Amniga wax Quseeya ha looga hadlo

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ahna Guddoomiye ku xigeenka hey’addaha Culimada Soomaaliyeed ahna afhayeenka hey’addaas Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qaraxyada waxyeelada geestay ee Bishaan Gudaheeda ka dhacay Magaalada Muqdisho. Marka hore ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ee shirka uga socdo Muqdisho in […]

Continue Reading

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Hambalyo u Shacabka iyo Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa hadalkan jeediayay mar uu ka qeybgalayay  Munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 94-aad ee ka soo wareegatay xiligii ay xurnimada qaadatay Jaamhuuriyadda Turkiga. “Waxaan ugu hambalyeynayaa Dawladda, Shacabka iyo halgamayaashii dalka Turkiga maalinta xoriyadda dalkooda oo dadaal dheer ay u galeen sidii ay isaga […]

Continue Reading

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saarayAmaro la xariira Gaadiidka Xamuulka ah iyo booyadaha

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo in Booyadaha aysan magaalada gudaheeda ku socon karin 7-da subaxnimo ilaa iyo Sideeda Fiidnimo iyo in Gaadiid xamuulka qaada aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga, maadaama rarka xad dhaafka uu dhibaato ku yahay Shacabka iyo gaadiidka jidadka la wadaagaya. Darawalada gaadiidka xamuulka qaada […]

Continue Reading

Maxkamada Sare ee K/Galbeed oo u guurtay Afgooye

War-Saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee KoofurGalbeed Soomaaliya Sheekh Axmed Cabdulaahi Xuseen(Fanax) ayaa ku sheegay in Maxkamada Sare ee Koofurgalbeed ay si kumeel gaar ah ugu  soo guurtay gobolka Sh/hoose ayna halkaa ku shaqeyn doonto sababo amni awgeed. Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Koofurgalbeed Sheekh Fanax ayaa ugu baaqay dowlada federalka inay si dhow […]

Continue Reading