Maxkamada Sare ee K/Galbeed oo u guurtay Afgooye

Wararka Maanta

War-Saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee KoofurGalbeed Soomaaliya Sheekh Axmed Cabdulaahi Xuseen(Fanax) ayaa ku sheegay in Maxkamada Sare ee Koofurgalbeed ay si kumeel gaar ah ugu  soo guurtay gobolka Sh/hoose ayna halkaa ku shaqeyn doonto sababo amni awgeed.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Koofurgalbeed Sheekh Fanax ayaa ugu baaqay dowlada federalka inay si dhow ula socoto xiriirka ka dhexeeya ciidamada Booliska.

Toddobaadkii aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa soo baxay khilaaf ka dhex jira hay’adaha garsoorka dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya iyo Ciidamada Booliska.

Halkan ka aqriso War-Saxaafadeedka