Shabaabkii Weeraray hotel Naasa-hablood oo la sheegay inay wateen Kaararka NISA

Wararka Maanta

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray in raggii ka tirsanaa Al-Shabaab ee  30-qof ku dilay Hotelka Naasa Hablood 2 ay isticmaaleen Kaararka Aqoonsiga ee Hay’adda Sirdoonka ee NISA (intelligence service ID cards).

Wargeyska ayaa qoray in 5-tii qof ee weerarka ku galay Hoteelkaasi ay wateen Labiska u gaarka NISA, kuwaasoo Hoteelka galay wax yar kadib kadib markii gaari  lagu qarxiyey Albaabka hore ee laga galo Hoteelkaasi.

Alshabaabka weerarakaasi fuliyey waxay Kaararka NISA, u fududeysay inay galaangal u yeeshaan inay galaan gudaha Hoteelka.iyo inaan wax shaki ah laga qaadin markii ay galeen gudaha Hoteelkaasi, waa sida uu qoray Wargeyska The Guardian.

Wargeyska waxa uu ka soo xigtay Sarkaal ka tirsan NISA, oo magaciisa lagu sheegay Kolonel Axmed Yare inay ragga weerarka ku qaaday Hoteelka ay wateen Waraaqaha Aqoonsiga ee Hay’adad NISA. “Waxay wateen Kaararka NISA oo ay si cad uga muuqdeen magacyo, Darajo iyo Sawiro. Taasi oo keentay inaysan Saraakiisha Boliska joojinin iyaga” ayuu yiri Sarkaalkaasi ka tirsan NISA.

Wargeyska The Guardian waxaa kale oo uu qoray in Isticmaalka Labiska u gaarka Hay’adda NISA ay sare u qaaday Walaaca laga qabo suurto-galnimadda inay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku dhex jiraan xubnaha hoose ee Ciiddamadda, waa sida uu qoray Wargeyska.

Qaraxii Hotelka Naasa Hablood kadib, waxay Dowladda Federalka xilalkii ka qaaday Taliyihii Boliska Soomaaliyeed, Jeneral C/xakiim Daahir Saciid “Saacid” iyo Agaasimaha Hay’adda NISA. C/llaahi Maxamed Cali Sambalooshe.

Ceelhuuronline

@Hornafic Media