Arsene Wenger Oo Xaqiijiyay In Kooxda Ay Dhameystirtay Saxiixyada Shkodran Mustafi & Lucas Perez.

Ciyaaraha

shkodran-mustafi-lucas-perez_irx7ce7c2jyd19a6ed8xb7eit

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay kooxda ay dhameystirtay saxiixyada Shkodran Mustafi iyo Lucas Perez.

Labada nin, ayaa uga soo biiro ka Valencia iyo Deportivo La Coruna, Arsenal ayaa qarashgaraynaysa in ka badan £ 50m.

Daafaca dhexe ee xulka Germany Mustafi ayaa-lala xiriirinaayay garoonka Emirates Stadium  todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaana iminka la filayaa inuu ugu biiro hishiis ku kacaya £ 35m .

Dhanka kale Lucas ayaa ugu biiraya kooxda ka dhisan North London lacag dhan £ 17.1m

Kooxda ayaa weli  ku dhawaaqin si rasmi ah laakiin Wenger ayaa xaqiijiyay in la dhameystiray hishiisyada kla dib ciyaartii  kooxdiisa ay 3-1 kaga badisay Watford galabta.