C/raxmaan C/shakuur oo damiin lagu sii daayay

Wararka Maanta

Waxaa goor dhow la sii daayay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo habeenkii axada aheyd ay ciidamada ammaanka xabsiga u taxaabeen, kaddib markii weerar dhiig ku daatay ay ku qaadeen gurigiisa.

Wada hadalo iyo dadaalo aan kala go’laheyn oo ay ku lug lahaayeen Odayaasha dhaqanka madaxweyanayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xuldhibaano ayaa oo saacado badan la isku mari la’aa ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay.

Wada hadaladan oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa la sheegay inuu aqbalay C/raxmaan C/shakuur, waxaana la filayaa in Maxkamadeynta berri ay dhacdo, taasoo qeyb ka aheyd xalkii loo maray in lagu sii daayo.

Xildhibana Axmed Macalin Fiqi ayaa goor dhow qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in la la sii daayay C/raxmaan C/shakuur

“ugu danbeyn Siyaasi C/raxmaan C/shukuur xabsigii wuu ka soo baxey, haddii uu ku jiri lahaa qaran dumisnimo iyo khiyaano qaran sida ay ku andacoonayeen sharcigu ma ogolaadeen in la damiinto ama la soo daayo, Dhammaan intii sharciga iyo xaqqa u hiilisay ee garab istaagtay C/raxmaan C/shukuur waa ku mahadsan yihiin”ayuu yiri Axmed Fiqi.