Weeraryahanka Chelsea Alvaro Morata ayaa soo jeediyay in dhaawaca cajirka uu ka fiican yahay markii hore sida looga cabsi qabay.
Isbuucii lasoo dhaafay, Morata ayaa lagu qasbay inuu qeyb ka noqdo qeybtii hore isaga baxay kulankii guul darro 1-0 ay ka soo gaartay Manchester City, waxaana lagu soo waramaayay in saxiixa xagaagan uu dhaawac ku maqnaan doono muddo lix isbuuc ah.
Si kastaba ha ahaatee, Isniintii, 24 jirkaan ayaa si maldahan u sheegay inay macquul tahay inuu kasoo hormaro xiliga la filaayo kedib markii uu labo sawir soo dhigay baraha bulshada Chelsea.
Sawirada ayaa u muuqda ina Morata baaskiil jimicsi ku sameynaayay madaama uu doonayo inuu sii wado taam ahaanshihiisa ka hor inta uusan Blues ku soo laabanin kulankii Crystal Palace 14kii October.
Dhaawaca Morata ayaa ku qasbay inuu seego kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la leeyihiin Albania iyo Israel xulkiisa Spain.
W/Q Hafsa haji