Alshabaab oo weerar ka geystay gudaha Kenya

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Al Shabaab ayaa weeraray xerada GSU oo ku taalo degaanka Mokowe ee ka tirsan Lamu Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Weerarkaan ayaa ku soo aadaya, saacado kadib markii Madaxweynaha dalka Kenya uu khudbad ololihiisa doorashada uu jeedinaayay ku sheegay in Shabaab ay si adag ula dagaalamayaan ayna duugayaan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska dalka Kenya, ayaa sheegay Xoogaga Shabaabka ka tirsan in xabado ooda ay uga qaadeen Xerada, saacada markii ay aheyd Koowdii habeenimo ee xalay, laakiin wuxuu sheegay inay iska difaaceen weerarkaasi.

“Waxaan weydiinay aqoonsigooda, laakiin waa ay diideen, kadibna waxa ay nagu fureen xabado socday muddo 20 daqiiqo ah, ka hor inta aynaan iska riixin.” Ayuu yiri Sarkaal magaciisa la qariyay oo la hadlay Wargeyska Daily Nation.

Ilo wareed kale oo ka tirsan ciidamad Booliska dalka Kenya oo ka hadlay xaaladii dagaalka ee xalay, ayaa sheegay ka hor inta uusan dagaalka dhicin, inuu helay fariin muujinaysa in weerar lagu soo qaadi rabo xerada ciidanka GSU.

Majirto khasaare dhimasho oo la soo wariyay oo ka dhashay weerarkaasi Shabaab ay ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deegaanka Mokowe ee ka tirsan dalka Kenya.

Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in ciidankii meesha joogay uu khasaare soo gaaray, maadaama xabado xoogan ay ku fureen dagaalyahanada ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Tani ayaa muujinaysa in Shabaab awood badan ay ku leeyihiin Gobolka Waqooyi Bari oo xilliga ay doonaan ka fulin karaan weeraro.