Gud. Aqalka Sare oo Xukuumadda kaga digay inay fara-geliso Garsoorka

Wararka Maanta

Cabdi Xaashi C/laahi, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa Xukuumadda kaga digay inay fara-gelin ku samayso Hay’adda Garsoorka Wadanka, si dhibaatada dalka looga gudbo.

Gudoomiyaha Aqalka Sare, ayaa yiri “Dowladdu waxay ka kooban tahay saddex qaybood. Waa Garsoorka, Baarlamaanka iyo Xukuumadda, mid weliba wuxuu leeyahay shaqadiisa gaarka ah, mid walba waa in lagu tixgeliyaa oo lagu aqoonsadaa, loona daayaa shaqada uu gaarka u leeyahay.”

“Haddii aynaan taas samaynin oo aanu Garsoorka ka madax bannaanaan Xukuumadda iyo Baarlamaanka, oo ay noqoto in la’isku milmo oo shaqadii Garsoorka ay Xukuumadda fara-geliso, Baarlamaankiina fara-geliyo, waxaan fillayaa dhibaato kama baxayno.”

“Horta waxaa weeye dalkeena barwaaqada ah ee khayraadka kala duwani ka buuxaan ee aanu ka baahanay, miisaaniyadda aynu maanta samaynaynaa, maxay tahay weeye? Anigu waan qabaa Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Garsoorka hay’adahaas siman, hay’ad walba hay’adda ay la siman tahay in wixii ay qaadanayso tan kalana lagu qoondeeyaa.”

“Maaha in Xukuumadda iyo Baarlamaanka ay wax siyaado ah inta ay hellaan Garsoorkana aan la texgelin. Anigu fekerkaa ma qabo, waana gaarsiinayaa madaxda sare ee awoodeeda leh.”