Ururka Alshabaab ayaa maanta Maxkamad ka furay deegaanka Qaayib oo hoostaga degmada Cadaado gobolka Galgaduud, Qaayib ayaa 90 kiilomitir Koofur kaga beegan degmada Cadaado, waxaana sidoo kale Alshabaab halkaas ka taageen calankooda.
Saraakiil ka tirsan Alshabaab iyo ciidan ay wateen ee maanta tagay deegankan ayaa la kulmay odoyaasha deegaanka, iyagoo u sheegay Maxkamadii Deegaanka Ceelgaras loo soo raray deegaanka Qaayib.
Intii ay socotay munaasabadda ku dhawaaqista Maxkamadan ayaa Alshabaab ciidamo badan dhigeen wadooyinka soo galo deegaankaas.
Imaatinka Alshabaab ee deegaanka Qaayib ayaa muujinaysa Qatar ku foodleh ganacsatada iyo shacabka ku nool degmooyinka Cadaado, Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo, Qaar ka mid ah Dadka ku nool deeganada Galmudug ayaa dacwad u aada deegaanada ay maamulaan Alshabaab.