Al-Shabaab oo xalay weeraray fariisin ay leeyihiin Ciidamada Dowladda

Wararka Maanta

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay kasoo baxayaan weerar xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen koontorool Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dad ku sugan Balcad ayaa waxa ay Idaacadda sheegeen in Shabaab ay weerar kusoo qaadeen koontorool  ay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin dhinaca Galbeed ee degmada Balcad wadada ka timaada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal kooban oo ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay ayaa halkaasi ka dhacay,waxaana mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab,isla markaana dagaal sidaasi u weyn uusan xalay ka dhicin degmada Balacad.

Xaalada degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa saakay ah mid degan,waxaana wararka aan heleyno ay sheegayaan in ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaas ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku baadi goobayaan raggii Shabaab ka tirsanaa ee xalay weerarka kusoo qaaday.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Balcad iyo Al-Shabaab si rasmi ah ugama hadlin dagaalkaas,hayeeshee degmada Balcad ayaa dhowr jeer waxaa weerar kusoo qaaday Al-Shabaab,iyada oo Bartamihii Sanadkii tegay ee 2018 mar la wareegay wallow markii dambe isaga baxeen.