Al-shabaab oo Sheegatay in uu isku dhiibay Sargaal ka tarisan Ciidamada Dowladda!

Wararka Maanta

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in uu isu dhiibay Taliyihii Ciidamada Dowladda ee Ceelbuur Labo Xidigle Cabdullaahi Maxamuud Cali Xeynuuf iyo Qoyskiisa.

WarkaanXarakada Al-shabaab ay ka sheegtay warbaahinta afkooda ku hadasha ayay ku cadeeyeen in Cabdullahi uu isaga iyo Qoyskiisuba ku noolaayeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kaddibna iska soo dhiibay Dhuusamareeb.

Waxaa ay sheegeen in ay Baladweyne tageen markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ka baxeen Magaalada Ceelbuur.

Labo Xidigle Cabdullaahi Maxamuud Cali Xeynuuf oo ku magac dheer Jareer ayey sheegeen in isaga iyo Xaaskiisa oo lagu magacaabo  Dahabo Xirsi Maxamuud  ay Maxkamad ku taalla Galguduud oo ay Al-shabaab leedahay kaga dhawaaqeen in ay ka towbad keeneen ka mid noqoshada Dowladda Soomaaliya.

4tii April 2017 ayey Ciidamada Itoobiya ka baxeen Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud,waxaana xilligaas la wareegtay Xarakada Al-shabaab oo ilaa hadda maamusha.

Ma jiro war ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku saabsan in Taliyaha isdhiibay ka tirsanyahay Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolka Galguduud iyo in kale.