24 Qof oo ku Dhintay Dab ka Kacay Dugsi Qur’aan Dalka Malaysia:

Wararka Maanta

Dab xilli aroor ah ka kacay iskuul diimeed ku yaalla magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia, ayaa maanta dilay 24 qof.

Saraakiisha dab damiska dalka Malaysia ayaa sheegay in dabka ka kacay iskuulka Darul Quran Ittifaqiyah uu ka billowday dabaqa ugu sarreeya dhismaha, halkaasi oo ardayda ay hurdeen.

Dhibanayaasha dabkan oo ahaa 22 wiil oo da’doodu ay u dhaxeyso 13 illaa 17 jir iyo laba macallin ayaa awoodi waayey inay dabka ka baxsadaan, kaasi oo xiray albaabka kaliya, daaqadahana waxaa ku xirnaa shabaq bir ah.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in la maqlayey ardayda oo gargaar codsanaya, waxaana saraakiisha dab damiska ay sheegeen inay u badan tahay inay u geeriyoodeen qiica dabka.

18 kale oo ka mid ah ardayda iskuulka ayaa lasoo bad-baadiyey, waxaana lix ka mid ah la dhigay isbitaalka, ayada oo xaaladdoodu ay tahay mid aad u darran.

Sababta dhalisay dabka ayaa waxaa ku socda baaritaan, hase yeeshee saraakiisha ayaa rumeysan inuu ka dhashay korontada.

Dugsiga Darul Quran Ittifaqiyah ayaa ka mid ah boqolaalka iskuulka ee dalka Malaysia looga yaqaan “Taxfiid”, kuwaasi oo caruurta lagu xifdisiiyo qur’aanka kariimka ah. In badan oo iskuulladan ka mid ah ayaa ah kuwa aan ka diiwaan gashneyn dowladda.