Al-shabaab Oo Nabadoon Dhaqane Qaasim Ku Gawracay Balad-Xaawo (DHAGEYSO)

Wararka Maanta

Xalay Abaabro 01:00 Habeenimo Ayaa Rag Hubeysan Waxa Hoygiisa Uu Ka deganaa Degmada Balad-Xaawo Ugu Soo Dhaceen Nabadoon Dhaqane Qaasim Amiin Oo ka Mid Ahaa Nabadoonada Ugu Caan Degmadaasi Balad-Xaawo Iyagoona Ugu Dambeyn Halkaasi Ku Toogtay.

Qaar ka Mid Ah Dadka Ku Dhaqan Degmada Balad-Xaawo ayaa Sheegay In Nabadoonka Si naxdin Leh Loo Dilay .

Nabadoon Idriis Aaden Oo ka Mid Ah Nabadoonada Ku Dhaqan Magaalada Balad-xaawo Isla-Markaana La Hadlay Ceelhuur.com Ayaa Sheegay In Nabadoonka La Gawracay.

Waxa Uu Xusay In Markii La Gawracayey Caruurtiisa Iyo Xaaskiisa Lagu Amray In Ay Guriga Isaga Baxaan Ka Dibna Halkaas Ku Gawraceen Isagoona Intaa Ku Daray In Raggii Nabadoonka Gawracay Ay Dab-qabadsiiyeen Gurigii Ay Ku Dhex-Dileen Nabadoonka.

Dhinaca kale Nabadoon Idriis ayaa Sheegay In Nabadoonka Xalay La Gawracay Oo Ka Mid Ahaa Nabadoonada Ugu Qaalisan Degmada Isla-Markaana Uusan garan Karin Sababta Kalliftay In La Dilo Nabadoonkan.

Maamulka Degmada Balad-xaawo Ee Gobolka Gedo Ayuu Sheegay In Wadaan Baaritaano arrinkaasi Ku Aadan.

Dagaallamayaasha Al-shabaab Ayaa Durba Sheegtay Mas’uuliyadda Dilka Nabadoon Dhaqane qaasim Amiin Waxa Ayna Sheegeen In Uu Si Dhaw Ula Shaqeynayey Dawladda fadeaalka Ah Ee Soomaaliya Isla-Markaana UU Ka Mid Ahaa Ergadii Soo Xushay Baarlamanka Maamulka Jubbaland.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Nabadoonka Oo Dhameystiran:-