Akhriso: 6 Kursi oo beri loo tartami doono aqalka hoose – Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Afhayeenka Guddiga doorashada heer dowlad goboleedka Galmudug Yuusuf Diiriye Maxamuud oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in maalinimada beri ah loo tartami doono ilaa 6 kursi oo mid ka mid ah ay haween kaliya u tartami doonaan.

kuraasta beri loo tartami doono ayaa kala ah:

kursiga 1-aad : Beesha Dir, Sure , Qubeys,

waxaana u tartamaya haween kaliya, Musharixiinta kursigaan u tartamaya ayaa kala ah :

  1. Qaladla’ Cali Warsame
  2. Duniyo Maxamed Cali

Kursiga 2-aad: Beesha Mareexaan, Wagardhac

Waxaana u tartamaya musharixiinta kala ah :

  1. Cabdi Shire Jaamac
  2. Suldaan Xaaji Aadan
  3. Deeqo Xuseen Mire
  4. Qaasim Maxamed Cabdi Dheere

Kursiga 3-aad: Beesha Duduble, Maxamed Camal

Waxaana u tartamaya musharixiinta kala ah :

  1. Maxamed Cilmi Afrax
  2. Bootaan Ciise Caalin
  3. Cabdulle Faarax Xirsi
  4. Cali Sheekh Yaasiin Xersi

Kursiga 4-aad: Beesha Duduble, Awradeen

Waxaana u tartamaya musharixiinta kala ah :

  1. Maxamed Cabdulle Faarax Geeseey
  2. Maxamed Axmed Xaashi Qoslaaye

Kursiga 5-aad: Beesha Duduble, Aarsade

Waxaana u tartamaya musharixiinta kala ah :

  1. Qaali Axmed Diiriye
  2. Cabdi casiis Cilmi Cali
  3. Xasan Maxamed Axmed
  4. Nasteexo Cali Rooble

Kursiga 6-aad: Beesha Murusade, Habar Ceyno

Waxaana u tartamaya musharixiinta kala ah :

  1. Xuseen Qaasim Yuusuf
  2. Shire Macalin Gaab

Dhanka kale afhayeenka ayaa intaa ku daray in maanta ay doorashadu u baaqatay xubnihii matalayey guddiga doorashada heer federaal ay ka maqnaayeen magaalada Cadaado, isagoo sheegay in aysan la’aantood natiijadu ansax noqonaynin.

 

Comments are closed.