Al-shabaab Oo Askar Iyo Wax-garad Ku Toogtay Shabeellada Hoose

Wararka Maanta

Al-shabaab ayaa degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha hoose ku toogatay saddex qof oo lagu eedeeyay in ay yihiin Askar iyo Ergo ka qeybqaadatay xulista Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadkan ayaa kala ahaa Oday ka mid ahaa dadkii soo xulay Xildhibaannada Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka ah sida ay sheegeen Al-shabaab.

Labada qof ee kale ee la toogtay ayey Al-shabaab ku sheegeen in ay ka mid ahaayeen Askarta dowladda Soomaaliya.

Tiro dad ah ayaa isugu soo baxay fagaaraha Al-shabaab ay ku tooganayeen saddexda qof oo la dilay shalay gelinkii dambe.

Al-shabaab ayaa Nabaddoonka ay dileen Magaciisa ku sheegay Maxamad Tifow Xaydar, kaas oo ay sheegeen in uu soo xulay xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cismaan Xaaji Cali.

Askarta la toogtay ayaa kala ah; Mahad Cabdullaahi Abuukar oo ahaa 29 jir ka mid ahaa Milatariga Soomaaliya sida ay sheegeen AL-shabaab, halka Askariga 2aad uu ahaa Maxamuud Faarax Aadan oo 28 sano jir ka shaqeynayay degaanka Shalambood ee Gobolka Shabeellaha hoose.