Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa beeniyay in uu buray Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa lagu sheegay in uusan burin mooshinka,hadalkan ayaa liddi ku ah mid uu shalay soo saaray Xoghayaha Golaha shacabka C/Kariin Xaaji Buux.