Akhriso: Xiliga ay dhacayso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Wararka Maanta
Doorashada Soomaaliya ayaa maraysa heer gababo ah, waxaana haray doorashada guddoonka aqalka sare, iyo doorashada Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana maanta aqalka sare guddi u saareen doorashada guddoonka aqalka sare, waxaana gudigan oo ka kooban 6 xubnood, oo lagu qeybiyey hab maamul goboleed.
1. Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun)- Hirshabelle
2. Senator Jawaahir Axmed Cilmi- Galmudug
3. Senator Farxaan Cali Xuseen- Puntland
4. C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag- Jubbaland
5. Senator C/risaaq Axmed Cali- Somaliland
6. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud- koofurgalbeed
Xubnahaan oo doorashadooda ka dib kulan yeeshay ayaa doortay Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare waxayna u  doorteen Senator Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun), halka Xoghayaha loo doortay xildhibaan Farxaan Cali Xuseen .
Shabakadda Ceelhuur Online ayaa heshay jadwal cusub oo muujinaya habraaca doorashada Soomaaliya.
  • 16 ilaa 21 Janaayo : Dhameystirka doorashad xildhibaanada dhiman (2 aqalka sare + 14 Golaha shacabka )
  • 24 Janaayo : Doorashada guddoonka aqalka sare.
  • 28 Janaanyo : Fadhi guud oo ay wada yeelanayaa labada aqal
  • 2 Feberaayo : ku dhawaaqista Guddiga doorashada Madaxweynaha
  • 28 Feberaayo : doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.
Dhanka kale olalaha musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha ayaa cirka isku shareertay, waxaan bilowday is xulufeysi ay wadaan  musharixiinta qaar.
la soco warbixinadeeda doorashada.
www.ceelhuur.com