Doorashada Soomaaliya ayaa maraysa heer gababo ah, waxaana haray doorashada guddoonka aqalka sare, iyo doorashada Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana maanta aqalka sare guddi u saareen doorashada guddoonka aqalka sare, waxaana gudigan oo ka kooban 6 xubnood, oo lagu qeybiyey hab maamul goboleed.
1. Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun)- Hirshabelle
2. Senator Jawaahir Axmed Cilmi- Galmudug
3. Senator Farxaan Cali Xuseen- Puntland
4. C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag- Jubbaland
5. Senator C/risaaq Axmed Cali- Somaliland
6. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud- koofurgalbeed
Xubnahaan oo doorashadooda ka dib kulan yeeshay ayaa doortay Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare waxayna u doorteen Senator Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun), halka Xoghayaha loo doortay xildhibaan Farxaan Cali Xuseen .
Shabakadda Ceelhuur Online ayaa heshay jadwal cusub oo muujinaya habraaca doorashada Soomaaliya.
16 ilaa 21 Janaayo : Dhameystirka doorashad xildhibaanada dhiman (2 aqalka sare + 14 Golaha shacabka )
24 Janaayo : Doorashada guddoonka aqalka sare.
28 Janaanyo : Fadhi guud oo ay wada yeelanayaa labada aqal
2 Feberaayo : ku dhawaaqista Guddiga doorashada Madaxweynaha
28 Feberaayo : doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.
Dhanka kale olalaha musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha ayaa cirka isku shareertay, waxaan bilowday is xulufeysi ay wadaan musharixiinta qaar.
la soco warbixinadeeda doorashada.
www.ceelhuur.com
Related
Post navigation