Daawo Sawiro: Fadhigii maanta ay yeesheen Xildhibaanada Aqalka Sare

Wararka Maanta
Kalfadhiga Koowaad Kulankiisa Saddexaad Ee Aqalka Sare Ayaa Maanta Ka Dhacay Xarunta Xubnaha Aqalka Sare Ee Dalka Ay Ku Shiraan.
Gudoomiyaha KMG Ah Ee Aqalka Sare Ee Dalka Maxamed Xuseen Raage Ayaa Ka Hadlay Ajandaha Kulankii Maanta Oo Uu Sheegayo Inay Dhaariyeen Xubno Kamid Ah Aqalka Sare Ee Dalka, Tirada Xildhibaano Ee Soo Xaadirtay Kulankooda Iyo Ku Dhawaaqista Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Aqalka Sare.
waxaana maanta aqalka sare guddi u saareen doorashada guddoonka aqalka sare, waxaana gudigan oo ka kooban 6 xubnood, oo lagu qeybiyey hab maamul goboleed.
1. Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun)- Hirshabelle
2. Senator Jawaahir Axmed Cilmi- Galmudug
3. Senator Farxaan Cali Xuseen- Puntland
4. C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag- Jubbaland
5. Senator C/risaaq Axmed Cali- Somaliland
6. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud- koofurgalbeed
Xubnahaan oo doorashadooda ka dib kulan yeeshay ayaa doortay Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare waxayna u  doorteen Senator Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun), halka Xoghayaha loo doortay xildhibaan Farxaan Cali Xuseen .

001 002 003 004 005 006