Faah faahin Qarax ka dhacay Degmada Kaaraan

Wararka Maanta

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan Qarax khasaare geystay in uu ka dhacay Suuq ku yaalla Degmada Kaaraan, kaas oo lagu magacaabo Suuqa Xirka-dheere.

Qaraxan ayaa la sheegay nuuciisa in uu ahaa Miinada Nuuca Dhulka lagu Aaso, waxaana lagu Aasay Maqaaxi ku taalla Suuqaasi, waxaana bartilmaameedka u ahaa Ciidamo halkaasi ka akdhowaa, sida Dadka Deegaanka ay Risaala u xaqiijiyeen.

Inta la xaqjiiyay 2 Dumar ah ayaa ku geeryootey Qaraxan ka dhacay Maqaaxida ku taalla Suuqa Xirka-dheere oo ku yaalla Degmada Kaaraan.

Ciidanka Amaanka iyo Maamulka Degmada ayaa waxa ay gaareen goobta uu ka dhacay Qaraxa, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan Qaraxan.

Comments are closed.