Caawa barnaamijkeena Dhacdooyinka Galmudug waxaan ku soo qaadaynaa:
1. Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo sharci ku tilmaamay xilka qaadistii Madaxweynaha, Madaxweynaha Ku xigeenka, Gudoomiyaha Barlamaanka iyo ku xigeenkiisa. Yaxye Sh. Cali Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo shalay soo gaaray Cadaado ayaa taageersanaa Madaxweyne Xaaf, balse kadib imaanshihiisa Cadaado ayuu is bedelay mowqifkiisa kadib markii dowladda Federaalku siisay dhaqaale gaaraya 50,000 dollar, waxaana loo diyaariyey marinkii uu ku baxsan lahaa, wararka qaar ayaa sheegaya inuu ku sugan yahay waqooyiga Galkacyo, qorshahan ayaa waxaa gacan weyn ka geystay koox Axmed Shariif, oo iyagu Cadaado u jooga inay xilka ka ritaan Xaaf.
2. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale ayaa maanta ka baaqday Shirka maamul goboleedyada ee lagu balansanaa inuu beri oo Arbaco ah ka furmo Kismaayo ayaa dib u dhacay ilaa khamiista, waxaana dowladda federaalku isku dayeysaa inuu baaqdo shirkaas, ama ay hagto ajendayaasha looga hadlayo.
3. Xubno ka tirsan garsoorka Galmudug ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay Cadaado, iyagoo sheegay in Yaxye Sh. Cali uu ku been abuurtay, aysana go’aan kasoo baxay Madaxkamada Galmudug oo ku saabsan khilaafka Madaxda Sare Galmudug.
4. Dowladda Federaalka oo wajaheysa cadaadis beesha caalamka oo ku aadan arinta Galmudug, Waxaana dowladda la faray in deg deg u soo afjarto khilaafka Galmudug, arintaan ayaa keentay in RW Kheyre wado dadaalo xal loogu raadinayo khilaafka Galmudug.
5. Dhaqaalaha dowlad goboleedyadu ka sugayeen imaaraatka Carabta ayaa la filayaa inuu beri soo gaaro, iyadoo Madaxweynaha Koofur Galbeed oo isagu sida Dhaqaalahan beri dalka dib ugu soo laabanayo, magaalada Cadaado ayaa la dareemayaa dhaqaalo xumo haysay Kooxda Madaxweyne Xaaf.