Akhriso: Magacyada Saraakiil Ciidanka DFS oo lagu Eedeeyey inay xiriir la leeyihiin Alshabaab

Wararka Maanta

Shabakadda Ceelhuur Online ayaa heshay Warqad sir ah oo ay ku qoran yihiin Magacyada Saraakiil Sare oo ka tirsan Ciidamada NISA iyo Booliska Soomaaliya kuwaas oo lagu sheegay  in ay xiriir la leeyihiin Alshabaab.

Document-gan ayaa kasoo baxay Midowga Afrika, waxa uuna ku taariikheysan yahay 30 October 2017, Hadaba Akhriso Magacyada saraakiishaan.

  1. Maxamed Bukhaari Axmed: Madaxda Xarunta Irshaad/NISA, Colonel  NISA, horey wuxuu uga tirsanaa Ururkii Al itixaad.
  2. Cabdullaahi Axmed Rooble, Sarkaal Sirdoon, Wuxuu horey uga soo goystay Alshabaab.
  3. Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Gacal (Azhari), Madaxa Amniga Xuduudaha (Airport iyo Dekedda), Colonel NISA , Wuxuu ka tirsanaan jiray Kooxaha dadka Tahriibiya Liibiya.
  4. Cubeyd CabdiShakuur Cali, Sarkaal Sirdoon, Major NISA, Wuxuu horey uga soo goystay Alshabaab.
  5. Mukhtaar Caddow, Sarkaal Sirdoon, Major NISA, Wuxuu horey uga tirsanaa Maleeshiyo Beeleed.
  6. Maxamuud Jeego, Taliye ku xigeenka NISA Gobolka Banaadir, Lt. Colonel NISA.
  7. Aadan Cabdi Wayax, NISA qeybta Saadka, Lt. Colonel NISA.
  8. Sakariye Ismaaciil Xersi, Madaxa Sirdoonka Soomaaliya, Horey wuxuu u soo noqday Madaxa Amniyaatka Alshabaab.
  9. Mukhtaar Ismaaciil Cabdi, Madaxa Qeybta Maamulka NISA, Lt. Colonel NISA, Horey wuxuu saaxiib dhow la ahaa Axmed Cabdi Godane Hogaamiyihii hore Alshabaab.
  10. Cabdiraxmaan Sahal, Madaxii hore ee Xarunta IRSHAAD, horey waxa uu uga tirsanaa ururkii Alitixaad, sidoo kale Waa xubin ka tirsan ONLF.
  11. Maxamed Daahir, Sarkaal Booliska Soomaaliya, Colonel Police, Horey wuxuu uga mid ahaa Maxkamadihii islaamiga.
  12. Sulub Axmed Firin, Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Banaadir, Brigadier general Police, Horey waxa uu uga tirsanaa ONLF.