Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka horyimid kala diristii guddiga Maaliyadda

Wararka Maanta

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa gudoomiyaha baarlamaanka kaga  hor yimid kala diristii guddiga maaliyada ee golaha Shacabka.

Gudoomiyaha ayaa faray Guddiga Maaliyada in ay sii wataan howshii loo igmaday ayna qalad aheyd kala diristooda sifada loo maray.

Guddiga Maaliyada ayaa horaan waxaa in uu kala diray sheegay gudomoomiye ku xigeenka golaha Shacabka, iyadoo wixii intaas ka dambeeyay uu soo shaac baxay khilaaf ka dhashay kala diristaasi iyo sharci ahaanshaheed.

Go’aankan kasoo baxay gudoomiye Mursal ayaa dhabarka ka jabinaya dadaalkii xukuumadda Kheyre ugu jirtay kala dirista guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka. Guddigan ayaa xukuumadda ku eedeeyey in ay lunsatay 42 milyan oo dollar.