Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay xalay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah.
Ugu yaraan labo ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen rasaasta, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ay isbaaro u tiil, waxaana wadihii gaariga uu ka dhega adeegay inuu istaajiyo goobtii isbaarada, waxaana taas ay keentay in rasaas ku fureen.
Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay isbaarooyin ay dhiganayaan rag ku labisan dareyska ciidamada.
Howl gallo ciidamada xoogga dalka ay dhowr jeer sameeyeen ayaa lagu soo qabtay qaar ka mid ah kooxihii isbaarada dhiganayay, balse waxaa wali halkeeda ka sii socda isbaarooyinka.